JSN Talaado 2012-01-03: Hay ad aan dowli ahayn oo Ingiriis ah oo la yiraa Iraq Body Count oo micnaheedu yahay tirinta maydka |Ciraaq ayaa waxay ku sheegtay in dagaalkii xaqdarada ah ee aan xaqiiqda ku dhisnayn ee laga been abuurtay ay ku dhinteen 162.000 qofood oo 79 % ay ahaayeen dad rayid ah oo aan dagaalka wax shaqo ah ku lahayn.

 

 


Dagaalka Ciraaaq waxaa uu Maraykanka qabsaday sannadii 2003 iyadoo cidwalba ay ka dharagsantahay maanta in uu ahaa dagaal dano gaar ah laga lahaa oo lagu qaaday Ciraaq been abuurkii hubka wax gumaado uu fashilmay beena noqday ilaa maanta cid loo aananeynayna aysan jirin oo ay noqotay dagaal hadafkiisu ahaa in Ciraaq laga bililiqaysto saliida cayriin ee ay hodanka ku tahay. Dad badan oo ku xeeldheer siyaasada guracan ee Maraykanka ee ku wajahan dunida muslimka ayaa la sheegay in dhawaan ka bixitaankii uu Maraykanka ku shaaciyey adduunka in uu soo afjaray kana baxayo Ciraaq uu yahay mid loogu gogol xaarayo in maadaama Maraykanka uu haystay Ciraaq uu u baneeyo si ay Yuhuuda  xaga cirka uga weeraraan wadanka Iiraan oo ay isku haystaan arrimaha la xiriira quwada Nukliyeerka ay Iiraank ku sheegtay in ay u isticmaalayso dhalinta quwada korontada iyo daawada ee xarunteeda Nukliyeerka.

Haddii Yuhuuda xagga cirka ka weerarto Iiraan waxaa uu noqon doonaa dagaal faraha loga murxo oo keeni karta in uu halkaas ka dhasho dagaal ba an oo ka dhaco gobolka bariga dhexe oo ay ayaamaha danbe asqeeyeen kacdoonada lagu riday dowlada badan oo ka tirsan dunida Carabta. Waxaa dhici karta in wadamo badan laga waayo khariidada adduunka. Sacuudiga  oo ay ku suganyihiin ciidamo Maraykan ah ayaa  ay u badantahay in uu ka abuurmo dagaal sokeeye maadaama dad badan aysan raali ka ahayn joogitaanka ciidamada Maraykanka ee dhulka barakaysan. Ciraaq waxay faraha u geli doontaa Iiraan oo shiico badan oo ku sugan ay kala wareegi doonaan suniga laga tirada badan yahay oo |Ciraaq ku sugan.