Gurbaan tumka dagaal hor leh oo Iiraan lagu qaado
|
JSN Talaado 03-12-2012: Waxaa soo ifbaxayo gurbaan tumash hor leh oo la rabo in dagaal loogu qaado wadanka Iiraan oo ay hormuud u yihiin Faransiiska oo dar dar hor leh la yimid wixii ka danbeeyey markii uu qabtay majaraha wadanka Faransiiska Madaxweyne Nikolas Sarkozy oo dar dar hor la yimid oo ku dhisan boob iyo bililiqo lagu sameeyo wadamada dunida 3aad oo badanaa lacagaha u yaal bangiyada Faransiiska inta la xanibo lagu shaqaysto iyadoo wax saami ah la siin.
Faransiiska wuxuu soo jeediyay in cunaqabatayn hor leh lagu soo rogo Iiraan in xoolaha bangiyada Faransiiska u yaal la xanibo iyo in saliida Iiraan cunaqabatayn lagu soo rogo taasoo ay Iiraan ku hanjabtay in ay iyadana talaabo ka qaadi doonto haddii cunaqabataynta lagu soo rogo ay xanibo doonto marinka maraakiibta ay maraan ee la yiraa Hormuz oo gacanka khaliijka Carabta ku yaal oo ay marto 50 % saliida adduunka laga isticmaalo.
| < Prev | Next > |
|---|
