Man City Oo Keli Ku Noqotay Hogaanka Premier League Ka Dib Markii Ay Ka Talaabsadeen Liverpool.
|

JSN: Ciyaar aheyd ciyaartii ugu horeysay ee 8 kulan oo Luis Suarez uu ka maqnaan doono Liverpool ayaa waxaa lagu garaacay 3-0 ciyaar ay Etihad Stadium kula ciyaareen kooxda Manchester City.
ka hor saacad intii uusan kulankaan bilaaban Liverpool waxa ay ku dhawaaqday inaysan racfaan ka qaadaneynin ganaaxii sideeda kulan ee Luis Suaraez lagu soo oogay ka dib markii lagu helay inuu erayo cunsurinimo ah uu ku aflagaadeeyay daafaca Manchester United Patrice Evra, waxaana go’aankoodaasi uu keenay in ganaaxa uu si dhaqso ah u dhaqan galo.... Iyadoo xaalada kooxda aysan deganeyn beryahii u danbeeyay tababare Kenny Dalglish ayaa goob joog u ahaa kooxdiisa oo laga dhalinayo wax ka badan hal gool markii labaad 24 kulan oo ay ciyaareen tartamada oo dhan,
waxaana ay iska qasaariyeen fursad ay kaalinta shanaad kala bixi lahaayeen Arsenal.Sergio Aguero ayaa goolka hore u furay kooxda City ciyaarta oo 10 daqiiqo ay mareyso, goolkaasoo ahaa mid iska fudud oo uu Pepe Reina badbaadin karay, waxaana madax ugu labeeyay daqiiqadii 33aad ciyaaryahan Yaya Toure, iyadoo qeybtii hore sidaasi lagu kala nastay. City, oo seddex dhibcood hogaanka kaga sareysa kooxda Manchester United ayaa daqiiqadii 74aad waxaa ay noqdeen 10 ciyaaryahan ka dib markii casaan uu ka qaatay ciyaaryahan Gareth Barry, lakiin daqiiqad ka dib Liverpool ayaa rigoore gashay, waxaana rigooradaasi kooxda City u saxiixay James Milner. Manchester City ayaa haatan waxa ay hogaanka ku heysaa 48 dhibcood, lakiin Manchester United ayaa laga yaabaa inay hogaanka mar kale la qabato hadii ay kulanka maanta ka soo badiyaan kooxda Newcastle United oo ay marti u yihiin.Kooxda Tottenham ayaa sii xajisatay kaalinta seddexaad ka dib markii ay gool iyo waxba kaga badiyeen West Brom, waxaana goolka guusha u dhaliyay ciyaaryahan Jermaine Defoe. Tottenham waxa ay leedahay 42 dhibcood, iyadoo weliba kulan kale uu u sii harsan yahay.
| < Prev | Next > |
|---|
