JSN: Khamiis 05-01-2012: Ayaamahan danbe waxaa socday wadahadalo uu Faransiiska iyo Maraykanka hormuud u yahay oo ay usoo jeediyeen xulafadooda midowga Yurub iyo gaashaanbuurto Naato oo lagu wado in cunaqabayn hor leh lagu soo rogo wadanka Iiraan taasoo keentay in sicirka saliida uu cirka isku shareeray taaso u daran shicibka una fiican maalqabeenka xooloohooda galiiyey saliida cayriin oo haddii yididiilo dagaal yimaado sicirka saliida kor u kici doono taasoo ay ku heli doonaan faaiido badan.

 

 

Wadamada midowga Yurub ayaa isku raacay in cunaqabataynta lagu soo rogo dhamaandka bishaan janaayo 2012 dabayaaqadeeda, inkastoo wadanka Giriiga oo saliida ugu badan ka soo gato Iiraan uu ka cagojiiday una arkay in Giriiga oo ay hayso dhibaato dhaqaale loogu darnaanayo kana bixi karin in uu galo dagaalo hor leh oo ay gaashaanbuurto Naato iyo midowga Yurub ku qaadaan Iiraan.

Iiraan ayaa ku hanjabtay in ay xiri doonto marinka maraakiibta ay marto ee khaliijka ee la yiraa Hormuz haddii lagu soo rogo cunaqabataynta saliida oo ah tan ugu daran ee dhaawici karto dhaqaalaha Iiraan.

Iiraan ayaa ah wadanka kaliya ee wadamada khaliijka oo ka soo horjeedo joogitaanka ciidamada Maraykanka ee ku sugan wadanka Sacuudiga oo Muslimiin badan u arkaan in ay khalad tahay joogitaankooda. Wadamad khaliijka ayay u badantahay sida ay qabaan dadka ku xeeldheer xaalada siyaasada iyo dhaqaalaha bariga dhexe in haddii dagaal lagu qaado Iiraan ay saamayn wayn ku samayn doonto gabi ahaan dhaqaalaha gobolka bariga dhexe oo ku dhisan saliida cayriin oo ay adduunyada u iib geeyaan.

Haddii uu dagaalkan dhaco wuxuu noqon doonaa mid lagu hoobto oo ay u badantahay in bariga dhexe ay ka dhici doonto dimoqraadiyadii qarniga oo ah marka ay xijaabato boqortooyada Sacuudiga iyo wadamada khaliijka oo ah kuwa dabadhilif u ah wadanka Maraykanka kuna tiirsan ilaalintiisa.

Iiraan oo ka shidaal qaadanayso dabadhilifyada wadamada khaliijka ayaa ku talo jirta in ay cagta mariso ka hor inta ay cidkale weerarin taaso keeni karto in wadamo badan oo khaliijka laga waayo khariidada khaliijka.