Duufaano wato dabaylo iyo roob oo laga digay Akhriso
|
JSN Khamiis 06-01-2012 Dufaano wata roob iyo dabaylo xowli badan ku socdo ayaa hay ada saadaasha hawada ee Nederland ee loo yaqaan marka la soo gaabiyo KNMI ay ku sheegay in ay biyo xaydaabyada gobolada Noord Holland iyo Groningen dad beeraleey ah laga daadgureeyey iyadoo cabsi laga qabo in ay fatahaan

Dabaylahaan roobka wata ayaa sababay in duulimaadyo gaarayo 15 duulimaad ay xanibmaan iyo maraakiibta isku xiri jiray gobolo ka tirsan wadanka Nederland.
Waxaa laga daadgureeyey dad gaarayo 80 qof tuulo ka tirsan gobolka Groningen oo la yiraa Tolbert oo cabsi laga qabo sida aad ku aragtaan sawirka kore in ay biyo kusoo fatahaan.
Hay ada KNMI ee saadaasha hawada Nederland ayaa bixisay darajada la yiraa orange oo feejignaan mudan.
Dadweynaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolada Groningen, Friesland iyo Drenthe in ay iska ilaaliyaan in aysan geedaha hoostooda bishkileeti ku marin iyadoo ay dhici karto in ay geedaha kusoo jabaan, kuwa gaawirada ku socdana haddii ay lagama maarmaan u ahayn in ay baxaan ay iska joogaan lana socdaan aqbaaraha raadiyaha iyo telefishinka wixii aqbaar ah oo intaas dhaafsiisan isna wargeliyaan iyaga dhexdooda.
Joornaalka Soomaalida ee Nederland
| < Prev | Next > |
|---|
