JSN Khamiis 05-01-2012: Madaxweynihii hore ee Masar mudane Xusni Mubaarak oo wadanka Masar ka talinayay mudo 30 sanno ah ayaa xaakim maxkamad ku taal xarunta wadanka Masar amartay in lagu xukumo dil isaga iyo wasiirkiisii hore ee arrimaha gudaha iyo biliiska ka dib markii lagu soo eedeeyey in uu ka danbeeyey bixiyeyna amarka lagu dilay dad gaarayo 660 qof iyo 6000 dhaawac ah. Xusni Mubaarak oo 83 jir ayaa lagu keenaa maxkamada sariir sababo la xiriir xanuun hayo iyo waayeelnimada ku habsatay

 

 

Mudane Xusni Mubaarak Madaxweynihii hore ee Masar


Madaxweynihii hore ee Masar mudane Xusni Mubaarak ayaa waxaa galaaftay kacdoonkii shicibka Carabta oo ka dhacay wadamada waqooyiga Afrika iyo bariga dhexe oo ay galaafatay madaxdii Tuneesiya, Liibiya iyo Yaman hadana uu ku socdo wadanka Suuriya oo ay u badantahay dhawaa iyo dheeraaba in ay galaafan doonto Xaafid Al Asad haduusan helin cid taageerto maadaama cidwalba ay dhib ku jiraan.

Haddii danbiyada lagu soo oogay Xusni iyo asxaabtiisa lagu helo in sida lagu shaaciyey saxaafada la dal dali doono.

JSN