JSN :Jimco 07-01-2012: Ayaamahan danbe wiixii ka danbeeyey dabayaaqadii sannnadkii tagay ee 2011 iyo bilowga 2012 waxaa bilowday duufaano dabaylo iyo roob  xawaara badan ku socdo ay keeneen in ay timaado cabsi laga qabo in ay fatahaan biyo xireenada meelo ka mid ah waqooyiga gobolada Nederland qaasatan Groningen, Dronten iyo Friesland oo qarka u saaran inay biyo kusoo fatahaan.

 

Sawirkaan waxaad uga jeedaa ciidamada oo shacabka siinayo cunto, kaaf iyo kala dheeri ka waran kuwii Soomaalida ee dhaca iyo boobka maarada looga waayey. Waa xaal adduun . Diyaaradaha dagaalka noocooda F 16 ay saaran yihiin qalab lagu fiirin karo meelaha ay biyo xireenada fatahaada ka keeni karaan ayaa bilaabay in duulimaadyo xagga cirka ka fiiriyaan, iyo diyaaradaha qumaatiga u kaca ee loo yaqaan helicopterka oo biliiska Nederland leeyihiin.