JSN Jimco 06-01-2012: Boqorada  wadanka Nederland Beatrix oo dhawaan u kicitimi doonta safarkeedii 50 aad ee ay ku aadi doonto wadanka Imaaraadka Carabta  Abu Dhabi waxaa safarkeeda ku wehlin doono wiilkeeda lehna dhaxalka boqortooyada Willem Alexander iyo xaaskiisa Maxima, waxaa shaaciyey joornaalka la yiraa Telegraaf oo maalinle ah kana soo baxa Nederland.

 

Boqorada Nederland Beatrix iyo wiilkeeda Willem Alexander & Xaaskiisa Maxima


Todobaad ka dib Boqorada safarkeeda wuxuu noqon doonaa  safarkeedii 51 oo ay ku tagi doonto Cumaan, taasoo ka dhigayso in ay jabisay rikoorkii hooyadeed Juliana oo horay boqor uga ahaan jirtay Nederland oo safarada ay gashay ahaayeen 28 safar kaliya inta ay ahayd boqorada.

Boqorada Nederland ayaa waxaa dad ku xeeldheer aqalka Boqortooyada Nederland ee loo yaqaan Orange in ay ku wareejn doonto wiilkeeda Willem Alexander oo ah dhaxal suge leh dhaxalka boqortooyada Nederland. Waxaa la dhashay  Willem Alexander labo wiil kale oo ay walaalo yihiin.