Macalin Dabaasha oo carruur uu faraxumeeyey magdhaw la siinayo
|
JSN Axad 08-Janaayo-2012: Macalin dabaasha bara carruurta oo lagu xukumay lix sanno oo xarig ah ka dib markii lagu helay danbi ah in uu faraxumeeyey 64 carruur oo lagu aaminay oo uu macalin dabaasha u ahaa
Macalinkaaan ayaa magaciisa lagu soo koobay Benno L racfaan uu ka qaatay xukunka maxkamadana laga diiday isagoo hadda ku jira xarig lix sanno ah oo marka loo fiiriyo dhibaatada uu u geystay carruurta ee faraxumaynta ah xukunka ayna islahayn isagoo ku ciyaaray mustaqbal carruur gaarayso 64 oo u badan gabdho.
Dood iyo wadatashi badan ka dib waxaa ay isku afgarteen shirkada lahayd xarunta dabaasha, waalidka iyo shirkad caymis ah iyo qareenadii matalayay in la siiyo carruurta la faraxumeeyey magdhaw midkiiba 14,000 Yuuro. Lacagta magdhawga oo gaarayso 900,000 Yuuro ah.
Warkaan waxaa lagu shaaciyey qaanada telefishinka ee la yiraa RTL news report.
Joornaalka Soomaalida Nederland JNS
| < Prev | Next > |
|---|
