Fatahaadii biyaha dabaylihii duufaanta iyo roobka watay oo yaraaday
|
JNS Axad 08-Janaayo-2012: Waxaa todobaadkii lasoo dhaafay ku dhuftay Nederland dabaylo wata roob oo duufaan ah oo gaarayo xawaara gaarayo 100 ilaa 120 km saacadii oo sababtay dad gaarayo ilaa 800 qofood laga daadgureeyo tuulooyin ay ka daganaayeen Groningen in ay dib ugu noqdeen tuulooyinkii ay daganayaayeen ka dib markii ay yaraadeen dabaylihii watay roobka iyo duufaanta, inkastoo kanaalada qaarkood il gaar ah lagu hayo iyadoo laga cabsi qabo in ay fatahaan

Gobolada cabsida looga qabay in ay ka dhacaan fatahaada ayaa kala ahaa gobolada waqooyiga Nederland ee kala ah Groningen,Friesland iyo Drenth. Dabaylaha duufaanta wata ayaa dhibaatooy ka geystay wadamo ay ka mid yihiin Ingiriiska, Beljam, Faransiiska oo dhamaantood ah wadamada ku xeeran dhinaca badda waqooyi ee Yurubta galbeed.
Joornaalka Soomaalida ee Nederland JSN
| < Prev | Next > |
|---|