JSN Axad 08-Janaayo-2012: Boqorada Nederland Beatrix oo ay weheliyaan wiilkeeda dhaxalsugaha jagada boqortooyada Willem Alexander iyo xaaskiisa Maxima ayaa booqasho rasmi ah ku jooga wadanka Iimaaraadka Carabta ee midoobay magaaladiisa Abu Dhabi oo ay booqasho ku tageen kana qaybqaateen furitaanka masjidka weeyn ee loogu magac daray Sheeyq Zayid oo ah aabihii iyo aabuurihii Iimaaraadka Carabta oo uu khabtrigiisana isla masaajidka ku yaalo

 


HM Queen Beatrix visiting Grand Mosque in Abu Dhabi. What a wonderful, Queen for her outstanding show of tolanrance and respect for other cultures.

 


Khalifa bin Zayed Al Nahayan oo gudoonsiiyey boqoradad Nederland Beatrix  silsilad weeyn oo dahab oo soo dhawayn ah


 

Boqorada Nederland Beatrix iyo wiilkeeda iyo xaaskiisa ku wehliyaan booqashadaan rasmiga ah oo ay ku booqdeen masaajidka weeyn ay qaateen dhar ku haboon booqadashada masaajidka iyo khabriga Sheeykh Zaayid Binu Suldhaan Aala Nahyaan oo isla masaajidkan loogu magacdaray khabrigiisana ku yaal.

 

Boqorada waxay booqashadeeda ku soo afjari doontaa sida lagu shaaciyey saxaafada Nederland wadanka Cumaan oo ka dhigi doonta mid jabisay rikoorka safarka marka loo barbardhigo hooyadeed oo booqashooyinka ay samaysay intii ay ahayd boqorada dhamaa 28 booqasho oo kaliya.

Bariga dhexe iyo khaliijka Carabta ayaa waxaa ka muuqda yididiilo dagaal laga cabsi qabo in lagu qaado wadanka Iiraan oo ku hanjabay in uu xiri doono marinka ay maraan maraakiibta qaada saliida cayriin oo dhan 51 % saliida adduunka ee loo yaqaan Hormuz oo aan sidaa uga fogayn halka ay boqorada booqashada ku joogto ee Iimaaraadka Carabta.

Booqashadaan ay boqorada ku joogto Abu Dhabi ayaa ah mid ay ku kobcinayso ganacsiga ka dhaxeeyo Nederland iyo Iimaaraadka Carabta ee midoobay oo ah xarun muhiim u ah ganacsiyada ee khaliijka Carabta oo badanaa loogu yeero Hong Kong khaliijka xagga ganacsiga adduunka. Boqorada iyo reerkooda ayaa iyagoo ka ambaqaadayso muhiimada ay u leedahay Iimaaraadka Carabta  dhaqaalaha wadanka Nederlnad oo ay la soo darseen busaarad dhaqaalaha ee haysata midowga Yurub oo ay Nederland ka mid tahay.

 

Joornaalka Soomaalida Nederland JSN