Shilkii ugu xumaa ee tareen oo dhacay 08-01-1962
|
JSN Axad 08-Janaayo-2012: Maanta oo ah maalin Axad ah 8 janaayo 2012 ayaa waxay ku aadan tahay mudo laga joogo 50 sanno[08-01-1962], ka dib markii ay fool ka fool iskugu dhaceen labo tareen oo kala yimid tariin kuwa dheereeya ah (Leeuwarden-Roterdam) iyo mid kuwa gaabiyo ah oo meelo badan istaago ee loo yaqaan Stoptrein (Rotterdam-Gouda-Amsterdam) waxaa jiray ciryaamo xun oo aragtida yaraysan ay iskula dhaceen Harmelen Woerden.

Waxaa ku dhintay 93 qofood 52 na ku dhawaacmeen shilkaan tareen ayaa waxay ka dhigaysaa tii ugu xumayd ee ka dhacday inta la ogyahay taariikhda Nederland ee tareenada.
Joornaalka Soomaalida ee Nederland JSN
| < Prev | Next > |
|---|