JSN Axad 08-Janaayo-2012: Wasiirka wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada ee Nederland mudan Henk Kamp ayaa loo doortay ninka ugu xun sannadka 2012 ka dib markii afti laga qaaday dhalinyaro xisbiga SP ay u doorteen the Aso van het jaar. Nin aan bulshaawi ahayn oo u daran bulshada Nederland. Aftida la qaaday ayaa waxaa ka qaybqaatay 1.500 dhallinyaro  ah.

 

 

 

Mudane Henk Kamp Wasiirka wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada ee Nederland


 

Waxaa ku xigay siyaasiyiinta ugu xun wasiirka wasaarada waxbarashada ee Nederland haweeneyda la yiraa Halbe Zijlstra iyadoo tashiil badan ku samaysay misaaniyada ardayda Nederland loogu talagalay, taaasoo dhib u keenaysa ardayda halkii ay wax ka baran lahaayeen ku mashquuli doona in ay shaqeeyaan oo ay ku mashquulaan sidii ay  iskaga bixin lahaayeen biilalka dowlada ay kusoo rogtay oo ay dhici karto in waalidka ardaydaan si ay carruurtooda wax u bartaan ina  ay taageero dhaqaale siiyaan.

Mudane Henk Kamp oo ka tirsan xisbiga liberaalka ee VVD  ayaa lagu eedeeyey wasaarada uu madaxa u yahay in aysan kasoo bixin sidii ay abuuri lahayd shaqooyin iyo xirfado dadka loo abuuro oo ay dowladii ku mashquushay i sidii ay dad badan ugu qasbi lahayd in ay cayroobaan kuna shaqeeyaan cayrta taasoo xal waara ahayn.