JSN Axad 08-Janaayo-2012: Wasiirka wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada ee Nederland mudane Henk Kamp ayaa mar lagu wareestay qaanad ka mid ah telefishinada ee loo yaqaan Buitenhof sheegay in uu cadaadis hor leh saari doono dadka qaata cayrta oo nus malyuun hadda maraya kuwaasoo culays ku haya dhaqaalaha Nederland oo soo foodsaartay dhibaato dhaqaale iyo tashiil lagu sameeyey.

 

Mudane Henk Kamp oo ay wasaaradiisa shaqada iyo arrinmaha bulshada ku guuldaraysatay in ay abuurto shaqooyin ama xirfado lagu kobcinayo arrimaha shaqada iyo dhaqaalaha Nederland. Ayaa lagu eedeeyey in uu marwalba ku noq noqdo cidii shaqayn karto waa in ay shaqaysaa laakiin dhibaatada ay ka taagan tahay in dowlada  Nederland ay ka gaabisay abuuritaanka shaqooyinka casriga 21 aad ee lagu jirana ka gaabiyey maadaama shaqooyin badan la wareegeen kombiyuutarada halkii laga rabay in dadka la baro ama loo abuuro xirfado la socdo waqtiga casriga ah sida  kennis economy [knowledge economy] maalgelinta waxbarashada dhaqaalaha oo taasoo keeni karta in dadka xirfadood iyagana ka faaiidaan dowladana ka faaiido, laakiin dowlada Nederland waxaad moodaa in ay dadka ku qasbayso in ay adoomis dadkeeda qaasatan dadka laga tirada badan yahay [Dutch minority group] shaqooyin xirfad laawayaal ah oo adoonsi casriga lagu fasiray oo maalqabeenka iyaga loo shaqeeyo.

 

Wasiirka wuxuu sheegay isagoo ay wajigiisa ka muuqato murugo dhiilo in uu yiri cidwalba waa in ay oggolaataa shaqadii loo helo taasoo keeneysa in aysan ahayn mid waaqici ah oo abuuri karta rafaad ay dadka la kulnmaan haba ugu darnaadaan Soomaalida cayrta qaadata oo cid u hadasha jirin isku duubni danta guudna aysan jirin.

Maalqabeenka Nederland ayaa sannadkii la soo dhaafay maalkoodii kordhay 5.6 % sida uu qoray joornaalka la yiraa Quote iyadoo dhamaan bulshada inteeda kalena uu hoos u dhac dhaqaale ku yimid. Waxaa tan lagu fasiray dadka ku xeeldheer dhaqaalaha in maalqabeenka iyo bangiyada ay majaraha u hayaan hogaanka Midowga Yurub oo ay Nederland ka mid tahay taasna ay marwalba ku helaan in ay maalgeliyaan xisbiyada siyaasadaha iyo cidii majaraha loo arko in ay qabanayso in taageero dhaqaale la siiyo amaba ay dhici karto in ay horay uga soo shaqaynayeen sharikadaha ugu waaweeyn ee Nederland sida Unilever, AKZO Nobel,DSM, KLM Bangiyada Nederland sida  ABN AMRO,ING, RABO BANK.