Kooxda Manchester United ayaa natiijo ciriiri ah kaga gudubtay kooxda ay xafiiltamaan ee Manchester City kulan ay 3-2 kaga badiyeen Sky Blue oo ka dhacay Etihad Stadium, waxaana ay u soo gudbeen wareega 4aad ee koobka FA Cup.Manchester United ayaa hogaanka ciyaarta qabatay daqiiqadii 10aad iyadoo Wayne Rooney uu ugu furay kubad madax aheyd, waxaana labo daqiiqo ka dib kooxda City casaan muran uu ku jiro ka qaatay kabtankooda Kompany oo qalad ku galay Nani.Casaanka ay qaadatay City ayaa keentay in Manchester United ay labo gool kale dhaliyaan ka hor xilliga nasashada,

 

 

 

ciyaaryahan Danny Welbeck ayaa goolka labaad u saxiixay, ka hor inta uusan Wayne Rooney dhalin goolkiisii labaad ka dib markii rigoore laga badbaadiyay uu ku celiyay madax.Qeybtii hore ayaa lagu kala nastay 3-0 oo ay ku hogaamineysay kooxda United, lakiin qeybtii danbe daqiiqadii 48aad ee ciyaarta ayaa ciyaaryahan Kolarov waxa uu dhaliyay bulisiyoon cajiib ahaa, taasoo rajadii City dib u soo nooleysay.Lakiin rajada City oo 10 ciyaaryahan ku ciyaareysay waxa ay si aad ah u soo noolaatay markii uu Sergio Aguero u dhaliyay goolkii labaad daqiiqadii 64aad ee ciyaarta, goolkaasoo uu qalad ku lahaa Paul Scholes oo ka soo laabtay ciyaar ka fariisigiisii xilli ciyaareedkii hore.

 

Man United ayaa dhidid badan ka dib waxa ay xajisteen seddexdoodii gool ee hore, inkastoo City ay xilli danbe ku andacoodeen inay rigoore leeyihiin iyadoo kubad ay gacanta kaga dhacday Jones oo diilinta ganaaxa ku jira, lakiin garsoore Chris Foy ayaa tilmaamay inay ciyaarta socoto. Man City oo koobkan difaacaneysay ayaa haatan laga reebay tartanka FA Cup, dhigooda United ayaana u gudubtay wareega 4aad ka dib markii ay si fiican u shaqeysteen qeybtii hore ee ciyaarta.