JSN Isniin 09-Janaayo-2012:

Ciyaaryahanka Robert van Persie oo ku jooga booqasho fasax ah Dubai ayaa ku booqday ciyaaryahanka weeyn Maradona oo tababare u ah kooxda  Al Wasi ee wadanka Imaaraadka Carabta. Van Persie oo booqasho ku jooga magaalada Dubai isaga iyo xaaskiisa iyo carruurtiisa ay booqdeen mar uu tababar u socday kooxda Al Wasi oo Maradona tabaabare u yahay.

 

Robert van Persie  wuxuu xagga weerarka uga ciyaaraa kooxda Arsenal ee wadanka Ingiriiska.