JSN Talaado 10-Janaayo_2012: Magaalooyinka Tilburg iyo Uithoorn ayaa soo dhaweeyey qorsha dowlada Nederland ay ku mamnuucayso khaadka Waxaa soo dhaweeyey dowladaha hoose magaalooyinkaan oo dhib ku qabay jaadka iyo dadka isticmaalo oo Soomaali u badan.

 


 

Magaalada Uithoorn ayaa la sheegay in ay tahay xarun lagula kala wareego khaadka oo u dhow gegida diyaaradaha ee Amsterdam ee Schiphol Nederland. Khaadka wadamo Midowga Yurub waa laga mamnuucay iyadoo taas laga amba qaadayo ayaa waxaa ay magaalooyinkan soo dhaweeyeen qorshaha lagu damacsanyahay in laga mamnuuco jaadka wadanka Nederland.

Ma ogtahay akhristoow in sannadkii 2010 843 tan oo jaad ah ka soo dagay gegida diyaaradaha ee Schiphol Amsterdam lagana helay lacag dhan  14 malyuun oo Yuuro ah oo u dhiganta 18 malyuun oo Dolar Maraykanka ah

 

Magaalada Tilburg waa magaalo ay ku dhaqan yihiin dad badan oo Soomaali ah oo ku dhaw 1400 inta la ogyahay balse meelo ka mid ah laga mamnuucay in lagu cuno banaanka qaasatan waqooyiga Tilburg oo loo yaqaan little Mogadishu.

 

Hay ad wadanka Nederland oo warbixin ka qortay arrimaha la xiriira jaadka ayaa sheegtay in uu leeyahay dhibaato xagga caafimaadka ah oo qofka ka dhigto in madaxa laga galo oo qofka la kala garan karin. Hay ada  caafimaadka adduunka ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan WHO ayaa jaadka ku dartay liiska daroogada ama maandooriyayaalka waaweeyn sida koka iinka.

Dhawaan ayaa sida lagu shaaciyey saxaafada waxaa la qabtay nin waday jaad dhan 1.7 tan oo khaad ah nionkaan oo aan la magacaabin balse cimrigiisa lagu sheegay in uu jiro  28 sanno.