JSN Arbaco 11-Janaayo-2012:  Dowlada Ruushka ayaa ka digtay in la weeraro wadanka Iiraan ay keeni karto cawaaqib xumo wax u dhimi karta  nabadgelyada adduunka qaasatana khaliijka Carabta oo saliida adduunka nuskeed ka imaato oo dhaqaalaha adduunka uu ku tiirsanyahay. Iyadoo hadda adduunka uu ku jiro busaarada dhaqaale xumo, nabadgelyo iyo kacdoono galaaftay wadamo badan oo bariga dhexe iyo waqooyiga |Afrika dowladahoodii

 

Wasiirka ku xigeenka wasaarada arrimaha dibada ee Ruushka mudane Sergej Ryabkov ayaa sheegay in qaasatan bariga iyo khaliijka Carabta.  Maanta ayay ahayd markii la qaarijiyey nin khabiir sanisyahan nukliyeerka   Mostafa Ahmadi Roshan oo gaari uu watay ay ku dileen bam birqabato ah oo baabuurkii uu watay inta lagu xiray halkaas ku dhintay.

Iiraan dilkii ninkaan saynisyahanka quwada nukliyeerka ka dib waxay ku tilmaantay in ay ka danbeeyaan dowlada Maraykanka iyo Israaiil oo ka soo horjeeday kuna eedeeyey IIraan in ay ku talo jirto in ay samaysato hubka Nukliyeerka halka ay Iiraan ku andacootay in ay u isticmaalayso warshadeeda Nukliyeerka mid si nabadgelyo ah ay quwada korontada ugu isticmaalayso iyo daawada.

Ruushka oo ay ka dhaxayso Iiraan ganacsi dhaqaale iyo wax wada qabsi ay ku tilmaamay in arrintaan lagu dhameeyo si wadahadal.

JSN