Daafaca Chelsea John Terry Oo Sheegay In Uu Ka Soo Kabtay Dhaawacii Soo Gaaray Dhawaan.
|
Kabtanka kooxda Chelsea John Terry ayaa qaboojiyey cabsi laga qabay dhaawac dhowaan ka soo gaaray jilibka waxana uu sheegay inuu ku kalsoon yahay in uu safan karo kulanka Sabtida ee ay kooxdiisu la ciyaari doonto Sunderland. Terry ayaa jilibka midgeed ku dhufsaday birta goolka isagoo doonayay in uu goolka difaaco kulankii Axada ee FA Cup kooxda Chelsea la ciyaartay Portsmouth.
Kabtanka kooxda Chelsea John Terry
Kabtanka kooxda Chelsea iyo England ayaa sidoo kale jilibka bidix dhaawac hore uga qabay.Dhaawacan ayaa qasabtay in Terry uu tijaabo maro kahor kulankii Axadii hore, iyadoo ay jireen warar inuu u baahday cirbad si uu u ciyaaro kulankii ay kaga guuleysteen kooxda Wolves.Chelsea ayaa martigelin doonta kooxda Bisadaha Madmadow kulan ka mid ah Premier League waxaana la filayaa in daafaca Chelsea ee Terry inuu ciyaaro kulankan.Terry oo ku caanbaxay in uu ciyaaro isagoo xanuun hayo ayaa u sheegey taleefishinka Chelsea: \”Waxaan la tacaalayay jilibkii hore ee dhaawaca iga soo gaaray laakiin waxaan ku dhufsaday birta goolka jilibkii kale.\”Dhammaan waan ka fiicnahay hadda, wax yar oo barar ah ma ahanee, laakiin waan hubaa in labada maalmood ee soo socota ee aan haysano inaan ku reysan doono.\”
Joornaalka Soomaalida Nederland JSN
Arrimaha Isboortiga
| < Prev | Next > |
|---|