JSN Jimco 13-Janaayo-2012: Akhristoow waxaa hubaal ah in dhibaatada jaadka uu leeyahay cidwalba ay ka dheregsantahay dhinacyada dhaqaalaha, caafimaadka iyo akhlaaqda. Waxaa mudo socday wadahadalo iyo baaritaano heer sare ah oo lagu sameynayey saaamaynta uu jaadka ku leeyahay shicibka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Nederland iyo dhibaatada uu keeni karo haddii aan wax laga qaban. Waxaa ay noqotay maxsuulkii baaritaanadii la sameeyey in dhibaatada uu leeyahay ay ka badan tahay faaiidada laga helayo ka dibna qaybtii labaad ee baaritaanka la galay taasoo looga gol lahaa xaguu jaadka ka galaa maandooyiyaaalka adduunka ?

 

Jaadka wuxuu la ehel noqday daroogooyinka waaweyn oo adduunka laga mamnuucay oo xitaa hay ada adduunka u qaabilsan arrimaha caafimaadka ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan WHO ee qaramada midoobay ay ku dartay liiska maandooriyayaalka adduunka ayna ka digtay in dowladaha adduunka ay mamnuucaan. Soomaalida khabiir ayay ku yihiin waxyeelada jaadka oo waxay u baahanyihiin kaliya in la xusuusiyo ? Maxaa wax looga qaban la yahay ? Jawaabta su aasha waxaan u dhaafay akhristayaasha joornaalka. Illeen hadal haan ma buuxsho.

 

Cinwaanka wuxuu ahaa ma ogtahay dakhliga  ka soo gala jaadka Nederland ?

Sida lagu shaaciyey dhawaan saxaafada Nederland waxay ku sheegeen in Nederland ay uga soo xarooday khaadka ka soo daga gegida diyaaradaha ee Schiphol Amsterdam in ay dhamayd  14 malyuun Euro ah oo u dhiganta 18 malyuun oo doolar.

Soomaalida ku nool Nederland waa 25 ilaa 30,000 marka iyadoo dhaqaale[14 malyuun Euro ah oo u dhiganta 18 malyuun oo doolar.]intaas la eg ka heli karto maxay Nederland u rabtaa in ay mamnuucdo ? Illeen wadanka busaarad iyo tashiil dhaqaale ayaa ka jiro  ?

Jawaabta su aasha:  waxay ogaadeen dhibka uu keeni karo iyo faaiidada in ay kala badan yihiin oo dhibka uu keeni karo ay badan tahay oo haddii cadaan badan ay fahmaan ay warshado badan oo soo saara khamriga iyo daroogada fudud waxay ugu yeeraan ay u wareegi doonaa khaadka/jaadka oo si fudud lagu helo.

Dhaqaale ahaan dhamaan Soomaalida reer Nederland oo dhan ayaa laga masruufi karaa Jaadka  Bal ila fiiriya xisaabta hoose

30.000  x  2500 =  7,500.0000  maxsuulka u soo haraya Nederland  waa 6,100.0000 Yuuro ayaa u soo harayso  markii ay siiyaan  30 kun ee Soomaalida ah midkiiba  2500 Euro siiyaan.

Waa kaaf iyo kala dheeri iyadoo sidaan la heli karo shaqana laga siin karo maxaa loo mamnuucayaa ? Isweydii akhristoow .

Jaadka wuxuu dhisaa dhaqaalaha wadamada nala dariska ah sida Keenya iyo Itoobiya halka uu Soomaaliya ku yahay mid burburiya xudunta faamilka ee dhaqaalaha ee qofkii u shaqayn lahaa haddii waqtigii shaqada uu aadi lahaa jiifto waqtigii la nasan lahaana uu soo jeedo. Waxaa taas ka sii daran akhlaaq xumada uu leeyahay dhinacyo badan( dhagayso gabayga Abshir Bacadle hoos}

 


Muxaadarooyinka la xiriira arrimaha qaadka :

Sheekh Mustafa Xaaji Ismaaciil


Abwaaniinta Soomaalida maxay ka yiraahdeen : AUN Gabaygii Abshir Bacadle "Qaadow adigaa leh".

 

Markaad akhrisay qoraalka maxaa kuu soo baxay ?  Saddex arrimood waxbaad ka qaban kartaa  iska biloow adiga marka hore : Illeen Soomaalida waxay tiraahdaa  Nin aan tiisa meelayn tu kale kuma daro. Haddii aad taada meelayso  reerkaada wax weeyn ayaad u qabataay haddii aad faamilkaada wuxuu noqonayaa mid kugu hanweyn oo bulshada oo dhana markii ay arkaan reer isku faraxsan ay ku farxayaan wanaaga reerkaas. Fiiri hoos  formulaaha aad isticmaali karto.

  1. Individual
  2. Family
  3. Community