JSN Jimco 14-Janaayo-2012: Dowlada Nederland wasaaradeed arrimaha dibada  ayaa kula talisay in ay ka feejignaadaan meelaha la isugu soo baxo wadanka Taayland[Thailand] Bangkok ka dib markii ay ka digtay safaarada Maraykanka ee Taayland[Thailand] in ay hayaan warar lagu kalsoonyahay oo sheegay in weerar la la damacsanyahay meelaha dalxiiska loo tago.

 

Dowlada Nederland ayaa uga digtay muwaadhiniintooda in ay tagaan meelaha la isugu yimaado oo ay dhici karto in la weeraro, warkaan oo laga soo xigtay safaarada Maraykanka ee Taayland. Halka ay ka keentay iyo cida ay ka soo xigatay safaarada Maraykanka ma sheegin lamana shaacin waxaa kaliya la sheegay in ay jiraan cabsi laga qabo in la weerero meelaha dalxiiska ee la isugu yimaado.