JSN Sabti: 15-Janaayo-2012: Dadka uu ka lumo baasaboorka/teesaraha  oo horay loo ganaaxi jiray Nedeland baaritaana lagu samayn jiray ayaa waxaa la sheegay sida lagu shaaciyey joornaalada Nederland in la joojiyey ganaaxa lacagta sida ay wasiiirka wasaarada arrimaha dibada ee Nederland Liesebeth Spies oo dhawaan jagadaan ku wareegtay sheegtay. Wasiirada waxay sheegtay in ay sharcigaan wax ka badali doonto lana soo afjari doono samarka 2012

 

Wadamada Midowga Yurub ayaa cimriga baasaboorada ay yihiin 10 sanno halka ay Nederland ka tahay 5 sanno oo kaliya, iyadoo dooda arrintaana ay socoto hadana wali wax maxsuul ah kama soo bixin. Arrintaan ayaa salka ku hayso warbixin uu qoray joornaalka maalinlaha ah ee Telegraaf oo soo bandhigay dad laga xaday baasaboorka ama uu ka lumay hadana ganaax lacag ah laga qaadayo iyagoo dhibanayaal ah ka dibna iyadoo wasiirada arrintaan ka jawaabayso ayay go aansatay in ay wax ka qabato oo sharciga wax laga badalo, maadaama uu san waaqici caqli gal ahayn oo ay dowlada u jeedo kaliya in ay lacag ka qaado cidii uu ka lumo baasaboor ama dhab haka ahaato ama dhalanteed oo ganaax marwalba laga qaado.  Waxaa sharci ah haddii uu kaa lumo dukument[baasaboor, teesaro, laysinka baabuurta] in aad u gudbiso biliiska lana diiwaangelyo in uu lumay.

JSN