AQBAARIHII UGU MUHIIMSANAA TODOBAADKII TAGAY
|
JSN SABTI 15-JANAAYO-2012: Todobaadkii tagay waxaa ugu muhiimsanaa arrimaha siyaasada Nederland xisbiga xagjirka ah ee kaligii taliye Geert wilders oo sidii horay loogu yiqiinay sameeyey labo fadeexo oo ay ku guuldaraysteen xisbigaan cunsuriga ah ee PVV.
Boqorada Nederland oo booqasho rasmi ah ku tagtay Abu Dhabi laguna martiqaaday furitaanka masaajidka ugu weeyn adduunka oo lagu magacdaray aabihii ama curiyihii Imaaraadka Carabta ee midoobay AUN Shiikh Zaayid binu Suldhaan Aala Nahyaan oo isla masaajidkaas ku aasan. Markii ay ka qaybgalaysay booqashadaan rasmiga ah ayaa boqorada xiratay dhar munaasab ku ah booqashada masaajidyada iyo meelaha lagu cibaadaysto oo ay madaxeeda maro buluug ah gishatay
Xisbigaan oo hadafkiisu ahaa in uu ku helo taageero iyo cod in marwalba aflagaado iyo cay aan sax ahayn wax cilmi iy waaqicina aan ku dhisnayn.ku guuldaraystay ka dib markii uu ku tilmaamay xijaabka in uu yahay mid cunsurinimo ah oo lagu gumaysto dumarka Muslimiinta iyo fidinta diinta Islaamka. Ayaan daro Geert Wilders oo ah cunsuri u adeego danaha dowlada kale ahayn dhalad cadaan ah isaga laftigiisa in uu wax ka sheego oo xitaa xaaskiisa ay tahay haweeney la yiraa Krisztina Wilders oo u dhalatay wadanka Hangar i
Dowlada xulafada Nederland CDA,VVD iyo PVV
Geert Wilders master of bleach blond hair
Maxay ka yiraahdeen dowlada iyo dadka Nederland ?
Raisal wasaare Mark Rutte ayaa ku tilmaamay wax laga yaq yaqsoodo hadalka ka soo yeeray xagjire cunsuri hogaamiyaha xisbiga PVV mudane Geert Wilders: Boqorada Nederland ay dhowraysay sharafta iyo maamuuska wadanka ay martida u ahayd ee wax xiriir ah ka dhaxayn waxyaabaha uu sheegay Geert Wilders.
Nin ka tirsna xisbiga xorriyada ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan PVV ee uu madaxda u yahay Geert Wilders ayaa lagu helay aflagaado iyo cunsurinimo uu mudo sannad laga joogo ku qoray iimayl uu diray oo ku tilmaamay nin Nederlandees ah oo asalkiisa hore Turki ahaa Selçuk Öztürk oo ka tirsan xisbiga shaqaalaha oo hadda ku talo jiro in uu dacwo ku soo oogo Cor Bosman oo xisbiga PVV ka tirsan una cararay wadanka dibadiisa. Waxaa codsaday raaligelin jaaliyada Turkiga ee degan magaalada Venlo in laga xaalmariyo sababta uu Cor Bosman u aflagaadeeyey. Waa nin ka tirsan xisbiga Geert Wilders magaaladana waa magaaladii uu ku dhashay ee ka tirsan gobolka Limburg ee Venlo.

Cor Bosman oo ku tilmaanay Selçuk Öztürk xisbiga shaqaalaha hilib doofaar oo Turki ah
Joran van der Sloot oo cadaan Nederlandees ah ayaa maxkamad ku xukuntay 28 sanno oo xarig ka dib markii lagu helay in uu dilay gabar.
| < Prev | Next > |
|---|