R/wasaare Mark Rutte oo sheegay in 2012 noqon doono mid adag
|
JSN Axad 15-janaayo-2012 : Waraysi uu siiyey raisal wasaaraha Nederland Mudane Mark Rutte TVga Buitenhof maanta ayuu ku sheegay in sannadka 2012 uu qofwalba uu dareemi doono busaarada tashiilka dhaqaale ee Nederland oo horay u shaacisay in ay tashiil dhaqaale ku dhawaaqday taasoo saamayn ku samaysay adeegyo badan oo ay dowlada Nederland siin jirtay shacabka Nederland.
Mark Rutte wuxuu sheegay in shaqo la'aanta ay sii kordhi doonto, daynta dowlada Nederland ay sii kordhi doonto dhaqaalaha Midowga Yurubna uusan kobci doonin, iyadoo ay jiraan dhibaatooyinkaan busaarada dhaqaale oo cid og jirin waxaa keenay iyo sidii looga bixi lahaa ayaa waxaa dad badan is weydiiyaan kuwa khabiir ku ah arrimaha dhaqaalaha iyo kuwa aan ahaynba isku raaceen in Midowga Yurub haddii ay sii socoto dhibaatadaan dhaqaale ay keeni karto kacdoono shicibka ah oo hadaba ka jiro meelo badan oo ka tirsan Yurub iyo Maraykanka ee loo yaqaan Occupy Wall Street.
Dowlada Nederland oo ah dowlad xulufo xisbiyada Liberaalka VVD, CDA iyo xisbiga xagjirka ee PVV oo u madaxa u yahay kaligii taliye Geert Wilders oo uu xisbigiisa ku naaxay kala qaybinta been abuurka iyo iska horkeenka shucuubaha ku dhaqan wadanka Nederland isagoo isaga laftigiisa aan ahayn cadaan dhab ah oo ku abtirsada Nederland.
Nederland waa wadan dhisan oo leh kaabiyado isgaarsiineed dhinacyada halbowlayaasha dhaqaalaha Nederland laakiin waxaad moodaa wixii ay dhiseen aawowayaashii hore ee Nederland in ay dowladaan ku mashquulsantahay in ay burburiso, sababtoo dowladaan waa ay ku guurldaraysatay in ay abuurto shaqo iyo kordhinta aqoonta oo ay dhici karto in mustaqbalka in dadka maalqabeenka ay u helaan fursad aqoonta sare halka ay dadka aan maalqabeenka ahayn ay isugu yimaadaan in ay u heli waayaan fursada aqoonta sare.
Soomaalida oo ah dad qaxootinimo ku soo galay Nederland oo aan ahayn bulsho isku duuban ayay u badan tahay in uu galaafan doono shuruucdaan loogu danaynayo maalqabeenka iyo bangiyada Nederland. Urarada ka jiro wadanka in kastoo ay jiraan dad ay dhab ka tahay in ay wax la qabtaan shicibkooda hadana ay carqalad weeyn hortaalo taasoo ah sidii dadka looga dhaadhicin lahaa in laga soo tagay Soomaaliya halka la joogana u baahantahay halgan cusub oo ku saleysan sidii danta guud loo wada dhowri lahaa dadkuna ay isku mashquulin oo cidwalba danteeda ku mashquusho.
Waxaa dhici karto in qaxooti cusub oo ah kuwii jaadka cuni jiray ay isaga haajiraan Nederland oo ay aadan meelaha laga cuno jaadka, oo laga yaabo in ay abuuranto khat tourism. dumiye daadiye damqiye u daneeyo dhaqaalaha cadawga |Soomaaliyeed jaadoow Illaah hanaga kaa reebo.
Maxaa la gudboon Soomaalida : Waxaa la gudboon in ay la yimaadaan dadaal dheeraad ah oo qofwalba naftiisa meeleeyo iyo isku duubni bulsho ahaan iyo iska warqab, Soomaaliyeey Ceelna idiinma qodna cidna idiinma maqna : Waa inaad dantiina ka shaqaysaan.
Waa socotaa ;
| < Prev | Next > |
|---|