JSN Talaado 17-Janaayo-2012:  Shirkada la yiraa Abellio oo fidisa adeega basaska wadanka Ingiriiska oo ay saami ku leedahay sharikada tareenada ee Nederland ee loo yaqaan NS ayaa lagu eedeeyey in iyadoo heli karta in ay shaqaalaha looga baahanyahay wadanka Ingiriiska marka hore hubiso in ay ka heli karto wadanka Ingiriiska oo ah heshiiska lagu siiyey shatiga in ay ka shaqaysato wadanka Ingiriiska ayaa ku guuldaraysatay in ay fuliso oo lagu haysto in ay shaqaale jaban ka doonatay wadanka Poland. Iyadoo wadanka Ingiriiska ay 2.6 malyuun oo dad ah ay shaqo laawayaal yihiin ayaa hadana ay shirkadaan waxay ku andacootay in ay heli waysay dad ku haboon in ay noqdaan darawalo basaska. Taasoo lagu diiday sababtoo ah dadka Polandeeska ah oo aan ku dhaqan iyo luqad ahayn aqoona ruutka la marayo ayaa ka yaabisay Ingiriiska sida ay shirkadaan ugu xadgudbayso sharciga.

Arrintaan waxay lagu shaaciyey saxaafada Ingiriiska dooda la xiriiro arrimaha shaqo la'aanta dad dhan 160,000 shaqaale ah shaqadii ay heli lahaayeen ay dad ajnabi ah kala wareegeen iyadoo dowlada Ingiriiska lagu eedeeyey in aysan shaqooyinka ay u baahanyihiin ay iska qaataan dad kale oo aan Ingiriis ahayn.  Hay ada samaysa baaritaanada oo wadanka Ingiriiska oo la yiraa the National Institute of Economic and Social Research  ay sheegtay in shaqooyinka lagu eedeeyey dad aan  Ingiriis ahayn in ay qaataan ay ku tilmaantay in ay wax xiriir ah lahayn oo ay dadka aan Ingiriiska ahayn ay qabtaan shaqooyinka aysan qaban Ingiriiska dhaladka ah ee muruqmaalka ku dhisan oo ay dhaqaalaha Ingiriiska kobciyaan halka laga leeyahay dhaqaalaha ayay wiiqaan.


Shaqaale Polandes ah oo bas raqiis ah Eurolines lagu keenay Ingiriiska


Sharikadaha Nederlandeeska oo dhiigmiirasho u soo tafaxaytay oo dad badan oo Soomaali ah ay ogyihiin marka ay ka doontaan shaqo in layska soo ceyrsho, balse halkaan ay ka gedisantahay sheekadii Nederland taalay ee ahayd dhiigmiirasho iyo naasnuujinta hay adaha Nederlandeeska ee cadaanka ah. Waxaa dhacda shaqadii looga baahnaa Nederland gudaheeda sharikadaha ay u dhoofiyaan dibada qaasatan wadamada u kharashka jaban dowladii laga rabay in ay wax ka qabatana ay dhagaha ku furaysato,

Routemaster baskii hore midig iyo kan casriga ah ee cusub bidix oo uu soo bandhigay duqa magaalada London  Boris Johnson