JSN Talaado 17-Janaayo-2012 Hay ada Human rights Watch ayaa ku eedeysay ciidamada Keenya in ay ku hayaan xasuuq iyo jir dil iyo kufsi haweenka ah Soomaalida ku dhaqan magaalooyinka ku xeeran xadka Keenay iyo Soomaaliya oo ay kaga warantay warbixin ay soo saartay ku sheegtay in lala beegsado dadka Soomaalida ah iyo qaxootiga oo ay dowlada Keenya inta ay ku weerarto diyaarado dagaal oo shicibka lagu laayo cid ka hadashana aysan jirin. Keenya marar badan ayay sheegtay in ay baari doonto balse ay dhagaha faraha ka gishatay. Dowlad isku sheega Soomaaliya iyada warkeed daa oo cid wax ka tiraahdo ma jirto, bulshada caalamkana sidoo kale waa ay ka aamuseen.

The Somali Journal in the Netherlands condemns the rape and killing Somalis in the disputed border region of Somalia while the the so called TFG says nothing the same goes to the international community for not paying attention to these atrocities. JSN calls for the Dutch governement to mention this humanitarian crisis and atrocities committed by Kenyan forces with the blessing of international community.

Injustice of anywhere is also injustice to everywhere.

 

Maxay ka qoreen Soomaalida shabakada internet-ka

Maxay Dowladda Federaalka uga Aamusan tahay xasuuqa ay Diyaaradaha Kenya u Gaysanayaan dadka Rayidka ah.

Waxaan aad uga xumahay in Qoys inta la laayo la yiraahdo Shabaab ayaan Bartilmaameedsanay, Caqligaas mid Dad loo Sheego ma ahanMar aan saakay oo dhex qaaday qaar ka mid ah bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaan wax ka weydiiyey sida ay u arkaan xasuuqa diyaaradaha kenya ka gaysanayaan deegano ka tirsan Soomaaliya kuwaas oo ay maalin walba ku dhimanayaan dad aan waxba galabsan ayaa dadkii aan la kulmay waxaa ka mid ah Xasan Cilmi Jaamac oo ka mid ah waxgaradka.

 

Soomaaliyeed, wuxuuna yiri “waxaana aad uga xumahay Dowladdii Soomaaliyeed ee la doonayey in ay ogaato dhibaatada gaareysa bulshada Soomaaliyeed ayaaba marnaba soo hadal qaadin xasuuqa Kenya u gaysaneyso shacabka Soomaaliyeed, Soomaaliduna waxay tiraahdaa hadalkuba hiilo waa galaa, bal fiiriya Xamiid Karsaay marka ciidamada Mareykanku ku xadgudbaan shacabka reer Afgaanistaan af labadii ayuu yeeraa oo cambaareeyee, weliba cambaareyn midda ugu xun, ma garan karo aamusnaanta dowladda federaalka ay ka aamusan tahay in carruur Soomaaliyeed inta la laayo la yiraahdo waxaana xasuuqney Shabaab, waxaan leeyahay dadka dhibaatada la gaarsiiyey Alle ayaa idiin maqan”.

Faadumo Idiris Cali oo ka mid ah Haweenka Soomaaliyeed ayaan wax ka weydiiyey waxayna tiri “Waxaan ka xumahay in Diyaaradaha Kenya inta ay qoys Soomaaliyeed baabi’ayaan ay dad damiir laawayaal ah yiraahdaan diyaaradaha kenya waxay duqeeyeen saldhigyo ay shabaab ku sugnaayeen, war fiiriya carshaanta dadka Masaakiinta ah lagu kor baabi’iyey, welibana waxaan ka xumahay in dowladda Federaalka aysan marnaba ka hadlin dhibaatada loo gaystay qoysaskaa iyo waliba kuwii ka horeeyey ee lagu baabi’iyey xeryaha qaxootiga”.

Nabadoon Faarax Cilmi oo isna ka mid ah nabadoonada Soomaaliyeed ayaa yiri “Dowladdaan illaahay ha naga hor wareejiyo, waxay raali ka noqdeen in ciidamada Kenya ay dad Soomaaliyeed soo qabqabtaan oo ay dab qabadsiiyaan, sidoo kalana diyaaradahooda dagaalka ay weeraraan deegaano ay degan yihiin dad rayid ah lana yiraahdo waxaa halkaas ku baabi’iyan shabaab, xaqiiqdii kenya waxay abuuraneysaa cadaawad aad u weyn”.

C/llaahi Sheekh Xasan oo ah Guddoomiyaha Isbahaysiga Nabadda iyo Dimuquraadiyadda ayaa isna tacsi u diray qoyskii Soomaaliyeed ee lagu xasuuqay deegaanka Jilib, wuxuuna intaas sii raaciyey ‘Kenya waxay dadka Soomaaliyeed ku tijaabineysaa hubkeeda, laakiin mar ay ahaataba waa lala xisaabtami doonaa, waxaana aad uga xumahay in qoys inta la laayo la yiraahdo shabaab ayaan bartilmaameedsanay, caqligaas mid dad loo sheego ma ahan, shabaab waa la yaqaan meesha uu joogo, xuduuda ayuu idinla joogaa, waxaan leeyahay Dowladda Kenya ha joojiso xasuuqa ay ku hayso shacabka Soomaaliyeed”.

Nin nabaadoon ah oo isna ku sugan magaalada Jilib ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay ka dhiidhiyaan xasuuqa ciidamada Kenya ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed wuxuuna yiri “Dowladda Kenya waxaan ugu baaqayaa in ay magdhow ka bixiso dadka lagu xasuuqay qaar ka mid ah deegaanada Soomaaliya, kuwaas oo ahaa dad aan waxba galabsan”.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
E-Mail This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan.