Xisbiga Shaqaalaha PVDA Breda soo jeediyay in dadka qaata cayrta loo oggolaado in dayn waxbarasho la siiyo
|
JSN Talaado 17-Janaayo-2012: Xisbiga shaqaalaha ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan PVDA in loo oggolaado dadka qaata lacagta cayrta ee ee ku jira liiska shaqo la'aanta in fursad loo siiyo in ay qaadan karaan lacag dayn ah oo ay wax ku baran karaan taasoo ka kaalmayn karta in uu qofku sameeyo waxbarasho xagga shaqada ka caawini karto.
Fikradaan waxaa si ku meel gaar ah u bilaabay dowlada hoose ee magaalada Amsterdam oo fursad u siisay dadka qaata cayrta in bangiga dowlada hoose ee loo yaqaan gemeentelijk krediet bank uu siin karo cidii waxbaranayso dayn uu ku bixin karo qofka waxbarashadiisa oo aan horay looga aqoon Nederland oo ah arrin cusub oo haddii ay hirgasho faaiido weeyn u keeni karta dad badan oo aan haysan waxbarasho iyo xirfado ay ku shaqaystaan.
Fikradaan waa firkad fursad u siinayso dadka qaata cayrta haddii ay dowlada hoose ee Breda qaadato waxaa ay noqon doontaa mid faaiido keento balse looga baahanyahay in ay Soomaalida la xiriiraan dowlada hoose iyagoo isku duuban si ay fursadaan uga faaiideystaan, sababtoo ah Soomaalida waxaa haysto dhibaatooyin badan oo mid bulsho iyo dhaqaale.
Dadka buuxiya shuruudaha waxaa ka mid ah in uu qofku qaato cayr waxbarashadiisan ay ku salaysantahay in ay kordhin karto fursadahiisa shaqada lacagta la dayminayana ay tahay mid qiimo dulsaar jaban.
| < Prev | Next > |
|---|