Qaxootigii iska dhiibayey Nederland oo yaraaday
|
JSN Arbaco 18-Janaayo-2012: Warbixin maanta lagu shaaciyey saxaafada Nederland ayaa sheegtay in 13 % ay hoos u dhaceen dadkii magangalyada soo weydiisan jiray Nederland iyadoo loo aaneynayo kabineetka dowlada xulufada ku dhisan ee Nederland oo Raisalwasaare Mark Rutte ee xisbiga liberaalka VVD hogaamiyo ay kula heshiiyeen xisbiga xagjirka ah ee kaligii taliye Geert Wilders oo shaqo ka dhigtay in uu wixii xunba minooratiga dusha u saaro haba ugu daarnaadaan Muslimiinta. in la yareeyo dadka ka yimaado wadamada Muslimiinta oo uu cabsi ku riday dadka Nederland oo aan Muslimka ahayn isagoo ku sifeeyey in ay yihiin mowjada qaadi karto in ay la wareegeen Nederland.

Sannadkii 2010 waxaa soo weydiistay codsi magangalyo qaxootinimo dad gaaraya 13,340, halka sannadkii tagay ee 2011 ay soo codsadeen qaxootinimo dad gaaraya 11,590 qaxooti ah oo ka dhigayso hoos u dhac 13 %.
Soomaalida oo ah qaxootiga ugu badan ee soo codsada qaxootinimada Nederland ayaa dowlada ay ku dhaqaaqday in ay ka hortagto waxa ay ugu yeertay xadgudba sharciga qaxootiga oo ay taalaabooyin cusub oo hor leh oo lagu xiray dadka isa sheegta sida nin iyo xaaskiisa ama carruurtiis oo hadda lagu soo rogay in ay ka jawaabaan liis dheer oo su'aalo ah oo haddii ay wax ka khaldaan horay loosoo bandhigi jiray in ay DNA laga qaado. Waxaa hadda soo baxay cidii khalado liiska dheer ee su'aalaha ah in aan loo dirayn DNA.
Joornaalka Soomaalida Nederland JSN
| < Prev | Next > |
|---|