JSN Arbaco 18-Janaayo-2012: Waxaa maanta kulmay raisalwasaaraha Benjamin Netanyahu ee Israaiil iyo wasiirka arrimaha dibada ee Nederland mudane Uri Rosenthal. Natanyahu ayaa booqasho labo beri ah ku jooga Nederland. Labada shaqsi oo isku sinji ah ayaa ka dhigayso mid taariikhi ah iyadoo labada shaqsi oo kala matalayo Nederland iyo Israaiil labadaba ay yihiin isku dad hadana ay isku soo qaadeen arrimo la xiriira bariga dhexe iyo xaalada reer Falastiin

Iyadoo ay labada nin  ay sheegeen in bariga dhexe nabad lagu gaari karo kaliya in ay Falastiin aqoonsato Israaiil, taasoo ah mid ka fog xaqiiqda rasmiga ah ee xaalada reer Falastiin iyo Israaiil oo soo degtay wixii ka danbeeyey dagaalkii labaad ee adduunka.

Natanyahu & Uri Rosenthal

Netanyahu waa raisalwasaarihii ugu horeeyey ee ka socda Israaiil 15 kii sanno ee la soo dhaafay booqday Nederland, booqashadaan wuxuu hadafkeeda yahay in lagu xoojiyo xiriirka labada wadan.

Taariikh kooban

Yuhuudii daganayd mudadii Islaamka haystay Isbaayn ayaa helay xornimo aad u balaaran iyagoo aan lagu faragishan diintooda iyo dhaqankooda, taasoo keentay markii Islaamka laga adkaaday oo laga saaray Andaluusiya boqoradii Isbaayn ay kusoo rogtay in xoog ku galaan diinta masiixiga cidii diidana ay ciqaab in nolosha qofka lagu gubo lagu soo rogay xoolahoodana lala wareego.

Taasoo keentay dad badan oo Yuhuud ah in ay usoo cararaan wadanka Nederland oo ay ilaa iyo hadda deganyihiin.

Nederland waxay ka mid ahayd shantii wadan ee fiitada saaray markii ay Falastiin codsatay in ay ku biirto hay ada UNESCO