JSN KHamiis  20-1-2012 Dhawaan waxaa soo jeediyay xisbiga talada dalka wax ka maamule ee dowlada ku dhisan xisbiyada xulufada ee VVD,CDA iyo PVV in lagu soo rogo sharci cusub oo ku wajahan dadka ajnabigaee ka codsanaya cayrta nooceeda loo yaqaan afka Nederlandeeska Bijstand oo cidii codsanayso lagu xiray in uu ku hadlo luqada Nederlandeeska. Fikradaan waxaa ku raacay xisbiyada kale oo ay isku garabka yihiin.

Fikradaaan oo haddii loo badalo sharci saamayn ku yeelan doonto Jaaliyadaha Soomaalida ee ku dhaqan wadanka Nederland qaasatan kuwa ku cusub wadanka Nederland. Fikradaan ayay u badanthahay in laga dhigo sharci illeen cid ka hor imaanayso ma jirto oo u dooda dadka laga tirada badanyahay ee minooratiga ah haba ugu darnaadeen Soomaalida ku dhaqanka wadanka Nederland.

Fikradaan oo uu soo jeediyay xubin ka mid ah xisbiga liberaalka ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan VVD ayaa sheegayso in cidii codsanayso lacagta cayrta qaybteeda loo yaqaan Bijstand in looga baahanyahay in uu buuxiyo shuruuda ah in uu qofka ku hadlo luqada Nederlandeeska. Fikradaan ayay u badantahay in laga dhigo sharci illeen ma jirto cid is hortaagayso. Waxaa ay u badantahay in ay dowlada doonayso in si ay uga biyo dhaliso tashiilka dhaqaale ee ay horay u shaacisay in ay fudud tahay in guruubadaan minooratiga ah cid u doodayso aysan jirn halkaan uga soo baxaan dhaqaalo badan.

Lama sheegin in fikradaan ay saamayn ku yeelan doonto Yuribeeyaanka ku dhaqan wadanka Nederland oo hadda guruubada ugu badan ay yihiin dadka Polandeeska ah. Waxaa uu sharciga dhigayaa in cidii ka tirsan midowga Yurub ee shaqeeya mudo hal sanno ah haddii uu waayo shaqadiisa uu xaq u leeyahay in uu codsado lacagaha cayrta ah.

Dadka Yuribiyaanka ah ee ay Nederland iskugula jiraan midowga Yurub ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan EU da ayaa dhigaya in qofkii ka tirsan uu degi karo Nederland balse aan looga baahnayn in uu ku hadlo luqada Nederlandeeska, arrintaan ayaa dad badan ku tilmaameen in ay tahay cunsurinimo laga wiiqayo dadka aan ahayn midowga Yurub oo u badan dadka kasoo haajiray wadamda dunida 3aad.

Xisbiga liberaalka VVD ayaa ayaamahan dhibaato ka haysata sumacadiisa hoosna u dhacday aaminka ay ku qabeenka shicibka Nederland iyadoo ay badatay tashiilka dhaqaale ee lagu soo rogay wadanka Nederland oo ay dowlada ku dhawaaqday 18 milyaardi oo Yuuro ah in ay tashiili doonto. Si xisbiga xaaladaha taagan uu dadka u jahwareeriyo xaqiiqda rasmiga ah ee wadanka ku taagan uu isku dayayo in lagu marin habaabiyo fikradaan ku wajahan dadka masaakiinta ah ee laga tirada badanyahay ee cid matasha aysan jirin loona soo jeestay in shuruuc lagu wiiqayo danaha iyo sharafta dadkaan oo ay |Soomaalida ku jirto fikrad ahaan inta la soo jeediyo hadana sharci laga dhigo

Marar badan ayaa khubaro ku xeeldheer luqada Nederlandeeska ay soo jeediyeen in mashruuca loo yaqaan  Inburgering/Citizenship uu yahay mid fikrad ahaan fiican laakiin qaabka ay dowlada u soo bandhigtay manhajka barashada luqada Nederlandeeska uusan ahayn mid kuu dhisan xaq kana fog in cidii dhamayso aysan awood u lahayn lana dhihi karin luqada Nederlandeeska wuu ku shaqaysan karaa. Dowlada Nederland ay ku guuldaraysatay in fikradihii loo soo jeediyay ay wax ka qabato iyadoo boor isku qarinaysan ay dhagaha furka ka gishatay oo aysan waxba ka qaban. Fikradaan uu soo jeediyay xubintaan xisbiga VVD ayaan ahayn mid xaqiiqda ku fadhiso taabanaysana halka dhibaatada rasmiga ah ka jirto oo ah in minooratiga aysan haysan cid matasha si dimoqraadi ah oo ay u badan yihiin dad masaakiin ah oo wadamadii ay horay u deganaayeen laga soo qaxiyey.

Dowlada Nederland waxay ku guuldaraysatay in ay wax ka qabato shaqo la'aanta iyo aqoon darida ku jirto wadanka Nederland oo sii korodhay, xitaa waxaa jiro xarumo bixiya cuntada ee dadka uu sharciga tashiilka Nederland caryteeyey ee loo yaqaan Voedselbank ama bangiga cuntada oo cuntooyinka taariikhdooda dhamaatay dadka lagu khaarijiyo. Nedeland waa wadan hodan ah oo xitaa sannadkii lasoo dhaafay maalqabeenka Nederland wuxuu maalkoodii kor u kacay 5.6 % halka dadkii dad badan laga yareeyey ama guud ahaan laga jaray dhaqaalihii ama adeegyadii ay dowlad ka heli jireen. Waxaa batay banaanbaxyo looga soo horjeedo dowlada iyo siyaasadeeda la xiriirto tashiilka dhaqaale, laakiin cid wax ka qabatay ma jirto oo dhagahay ayay faraha ka gishatay oo cid wax ka qabatay ma jirto.

JSN