Laura Dekker oo ku guulaysatay in ay adduunka kaligeed doon kusoo marto
|
JSN Axad 22-Janaayo-2012: Laura Dekker oo ah gabar Nederlandees ah oo 16 sanno jirto ayaa ku guulaysatay in ay adduunka ku soo marto doon nooca shiraaca leh ee loo yaqaan Yatch oo ahayd mid ay ku hamin jirtay iyadoo jirta 14 sanno mudo hadda laga joogo labo sanno. Laura ayaa waxaa dhibaato ka qabsatay hay ada daryeelka carruurta Nederland oo maxkamad la kortay iyagoo ku andacoonaya in da deeda oo yar aawadeed aysan ka bixi karin safar ay kaligeed ku marto badwaynta adduunka.

Gabadhaaan ay ah qofkii ugu horeeyey ee cimrigeeda 16 jir ah oo adduunka ku martay doon iyadoo kaligeed ah. Waxay safarkeeda ka bilowday jasiirad la yiraa St Maarten oo ka tirsan karibiyaanka oo mudo laga joogo hal sanno iyadoo samaysay masaafo dhan 27,000 nautical miles. safarkeeda ma ahayn mid aan hakad lahayn oo mar ayay u soo noqotay Amsterdam si ay uga qaybgasho bandhig lagu soo bandhigo doomaha halkaas oo ay ka jeedisay khudbo.
Laura waxaa la filaa in ay ku soo noqoto Nederland iyada iyo doonteeda dabayaaqada bisha febaraayo ee soo socota. Laura waxay aad uga fogaatay badda Soomaaliya oo laga cabsi qabay in ay afduubaan burcad badeedka xeebaha Soomaaliya.
JSN
| < Prev | Next > |
|---|