Kororka beeraha Nederland oo kordhay 9 %
|
JSN Axad 22-Janaayo-2012: Warbixin ay soo saartay hay ada tirakoobka Nederland ee loo yaqaan marka la soo gaabiyo CBS ayaa sheegtay in ay korortay dhoofinta hilibka xoolaha, khudaarta, khudrada iyo ubaxa 9 % oo u dhiganta lacag dhan 73 Bilyan oo Yuuro, taasoo Nederland ka dhigayso wadanka labaad Maraykanka ka dib.
Waxaa lagu soo bandhigay carwo lagu qabtay magaalada Berlin ee Jarmalka ee la yiraa Grune Woche. Hilibka xoolaha, subaga iyo ukunta, khudrada iyo khudaarta ayay Nederland soo dajisatay gaarayso sannadkii la soo dhaafay ee 2011 48 bilyan oo Yuuro iyadoo ka heshay faaiidho dhan 24.5 bilyan taasoo Nederland ka dhigayso wadanka labaad ee adduunka oo uu Maraykanka kaliya ka horeeyo. Sannadkii la soo dhaafay waxaa hakad galay khudaarta ay u dhoofiso adduunka qaasatan wadanka Jarmalka ka dib markii ay dad badan ku sumoobeen oo cisbitaalada la dhigay qaarna ay ku dhinteen qajaarka Nederland
JSN
| < Prev | Next > |
|---|