JSN Axad 22-Janaayo-2012: Raisalwasaaraha Israaiil Benjamin Netanyahu oo booqasho rasmi oo labo maalmood ku yimid Nederland oo hadafkeedu ahaa sida lagu shaaciyey saxaafada Nederland sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeyo labada wadan Nederland iyo Israaiil uu u sheegay Mark Rutte R/wasaaraha Nederland in ay Israaiil joojiso dhismayaasha cusub ee ay Israaiil siinayso oo ay guryaha uga dhisayso Yuhuuda cusub dhulka ay xooga uga qabsatay Falastiin si dib loogu bilaabo wadahadalada nabada ee Falastiin iyo Israaiil.

Netanyahu iyo Mark Rutte R/wasaaraha Nederland


 

Raisalwasaaraha Israaiil Benjamin Netanyahu ayaa ku amaanay Nederland in ay tahay saaxiib wanaagsan oo marar badan wax la qabtay Israaiil taasoo ay ugu danbaysay markii ay Falastiin isku dayday in ay ku biirto hay ada UNESCO ee qaramada midoobay ay Nederland ay ka mid ahayd shan wadan oo fiito dul dhigay ku biiritaanka Falastiin ee UNESCO.

Raisalwasaaraha Israaiil Benjamin Netanyahu iyo wasiirka arrimaha dibada Nederland Uri Rosenthal

Nederland waxay ka mid tahay shanta wadan ee ay Israaiil la leedahay ganacsiyo kala gedisan. Booqashada Netanyahu ayaa ugu danbaysay mudo 15 sanno laga joogo oo uu booqday Nederland isagoo raisalwasaare ahaa.  Mar la weydiiyey in ay joojiso dhismaha dhulka Falastiin uu sheegay Netanyahu in ay tahay dhul yar taasna aysan sabab ay ku diidi karto Falastiin in ay sii wado geedi socodka nabada bariga dhexe ee Falastiin iyo Israaiil.

Uri Rosenthal ayaa ah nin jinsi ahaan ay isku jifo yihiin Netanyahu.  Waxaa ay khubaro badan oo jecel nabada bariga dhexe sheegeen in uu yahay Netanyahu mid aan diyaar u ahayn nabad ka dhalata bariga dhexe qorshahana ugu jirin in xaqa reer Falastiin ay u leeyihiin aayo ka talintooda xornimadooda ay tahay mid la rabo in  inta harsana la la wareego. Dowlada Nederland  iyadoo og kana dheregsan xaqiiqda dhabta ah ee ka jirto hadana waxba kama qabato oo waa ay ka gaabsataa sababo la xiriiro awooda ay leeyihiin Yuhuuda Yurub iyo Maraykanka oo ay ka cabsi qabto si uun loo xanibo