Nedeland iyo ka ganacsiga khashinka Yurub
|
JSN Axad 22-Janaayo-2012: Nederland ayaa wasiirkeeda degaanka uga dhawaaqay magaalo madaxda Jarmalka ee Baarliin in ay kula heshiiyey khashin dhan 200,000 tan lagu gubo Nederland warshadaheeda lagu gubo khashinka iyagoo laga dhaliyo korontada islamarkaana ganacsi ahaan dhaqaale ka soo galo. Sannadkii la soo dhaafay khashinka magaalada Naboli ee Talyaaniga oo uu buux dhaafiyey Naaboli in lagu gubo Nederland ay Talyaaniga kula heshiisay in maraakiib lagu soo qaado oo Nederland lagu gubo.
Nederland oo ah wadan aad u yar marka loo fiiriyo wadamada Talyaaniga iyo Jarmalka ayaa hadana Nederland ay ku horeyso meelo badan tiknoolajiyada dhinaca gubida khashinka oo laga dhaliyo koronto nooceeda Groene stroom/Green electricity inkastoo la isku haysto marka la gubayo in tayada hawada iyo saamaynta ay ku yeelan karo caafimaadka dadka.
| < Prev | Next > |
|---|