JSN: Isniin 23-Janaayo-2012: Ururka u ololeeya duuliyayaasha Nederland ayaa ka digay kororka shaqada duuliyayaasha Nederland ee ay shirkadaha diyaaradaha oo ay ugu weeyn tahay KLM in ay mudan tahay in wax laga qabto sababtoo ah duuliyayaasha waxaa looga baahanyahay in ay duullaan waqtiga habeenkii 11 saacadood oo aan goos goos lahayn taasoo ay ku tilmaameen in ay keeni karto dhibaato xagga nabadgelyada, iyadoo uu sharciga dhigayo in ay duulaan oo kaliya 10 saacadood, halka Maraykanka ay ka tahay 9 saacadood.

Ururkaan u ololeeya danaha duuliyayasha Nederland [de Vereniging van Nederlandse Verkeersvliegers (VNV)] ayaa sheegay in kororka kordhinta waqtiga duulimaadka 9 saacadood ilaa 11 saacaadood ay dhalin karto  shil dhaco ay sii kordhayso marka uu duuliyaha uu aad u daalanyahay oo ay hadana tahay waqti habeen ah oo ayna dhici karto in ay labo qaaradood oo cimilada iwm ay kala gedisanyihiin isaga duulaan.

Waxaa sii badanaya tartanka sharikadaha diyaaradaha ay iskula jiraan taasoo shirkado badan ku kaliftay in si ay u kordhiyaan faaiidada ay helaan in ay ku dhaqaaqaan talaabooyin uu hadafkooda ku salaysan yahay sidii ay u kordhin lahaayeen faaiidada soo gasha xag dhaqaale iyadoo mararka qaarkood ay wiiqi karto nabadgelyada keeni kartana shil dhaco.

Sharikahada Ryanair oo ah sitaydii ama caasigii cirka ayaa sannadkii la soo dhaafay iyadoo uga gol leh in ay kordhiso faaiidada ka soo gasho diyaaradaheeda in ay halkii ay diyaarada ka duulin jireen labo duuliye soo jeedisay in ha duuliya ay ku filantahay in uu duulo, waxaa taas ka sii daran in ay xitaa soo jeediyeen in diyaaradaha lahaa musqul hore iyo labo danbe ay soo jeediyeen oo kale in ay ka dhigaan labo musqul oo kaliya in kastoo lagu diiday.

Hay ad kale oo ilaalisa nabadgelyada iyo habsami u socodka diyaaradaha ee midowga Yurub ayaa waxay hadda ku mashquulsan yihiin in ay duulimaadka ka joojiyaan diyaaradaha nooca loo yaqaan super Jumbo jet ee ay samayso sharikada diyaaradaha samayso ee AirBus nooca loo yaqaan A380 oo baalasha diyaaradaan laga helay dilaac. Waxaa adduunka hadda ku duulaya diyaarada nooca Airbus 380 67 diyaaradood oo adduunka iskagala gooshaya.

 Airbus 380 Super Jumbo

Ma ogtahay akhristoow shilkii ugu dhimasho badnaa ee adduunka ka dhaco in uu dhacay 27-03-1977 ayaa waxaa iskula dhacay dhulka labo diyaaradood oo ay kala lahaayeen shirkada KLM iyo shirkada PAN AM jasiirada la yiraa Tennerife halkaasoo ay ku qurbaxeen dad gaarayo 580 rakaab ah oo kala saarnaa labada diyaaradood oo ay kala lahaayeen KLM Nederland iyo PAN AM Maraykanka. Waxaa loogu magac daray shilkaan shilkii qarniga Crash of the Century

Ilaa maanta waa shilkii ugu xumaa uguna badnaa dadka ku dhintay waxaa taas ka sii daran in shilkaan uu ka dhacay dhulka oo uusan ka dhicin cirka marka. kabtanka diyaarada KLM oo ah sida lagu yaqaanay Nederlandeeska ayaa isagoon la amrin in uu duuli karo go aansaday in uu duulo taasoo dhalisay in shilkaan dhaco magaciisa waxaa la dhihi jiray  Captain Van Zantem.

Joornaalka Soomaalida Nederland  JSN

Ma haysaa dhacdo ama aqbaar ay dan ugu jirto Soomaalida Nederland fadlan noogu soo gudbi iimaylkeena This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it ama soo buuxi foomkan   Hadafka JSN waa in aan idinka haqabtirnaa wararka muhiimka u ah Soomaalida Nederland, ha moogaan hana ka maqnaan u sheeg saaxiibadaa Mahadsanid