27 Midowga Yurub oo Iiraan cunaqabayn saliida iyo bangiyada ku soo rogay
|
JSN Isniin 23-Janaayo-2012: Wadamada midowga Yurub oo wasiiradooda arrimaha dibada shir ku lahayeen magaalada Brussel ayaa go'aansaday in ay cunuqabatayn saliida iyo bangiga dhexe ee Iiraan laga bilaabo bisha 1 luulyo 2012. 27 ka wadan dhamaantood waxay go aansadeen in ay isku si wajahaan oo saxiixa ku wada duugeen in aysan oggolaan karin in Iiraan ay yeelato hubka nukliyeerka oo Iiraan lagu eedeeyey in ay ku mashquulsantahay samaynteeda
Waxaa dhawaan booqasho labo beri ah ku yimid wadanka Nederland raisalwasaaraha Israaiil oo inta la sheegay ay ahayd in uu booqashadiisa ku xoojinayo xiriir labada wadan ee Nederland iyo Israaiil, laakiin mar waraysi lala yeeshay Benjamin Netanyahu wuxuu marar badan ku soo celceliyey arrinta Iiraan mar waraysi la la yeeshay uu ku sheegay arrinta Iiraan.
Benjamin Netanyahu wuxuu ka leex leexanayey su aalaha la weydiinayay ee ahayd in dhulkii ay ka dhaceen Falastiin ay dhisan oo uu ku tilmaamay in ay tahay qayb yar sida. Imaatinka Netanyahu Nederland oo ay ugu danbaysay 15 sanno mudo laga joogo ayuu ku tilmaamay mid uu ku xoojinayo xiriirka labada wadan oo dhinacyada diblomaasiyada iyo ganacsiga oo ay dad badan oo xog ogaal u ah xaalada bariga dhexe ku sheegay in ay Israaiil ay gashay danbiyo ka dhan xuquuqda insaanka sida dagaalkii ugu danbeeyey ee cagta ku marisay magaalada Gaza ee Falastiin iyo markab u waday mucaawino bani aadanimo oo ay Israaiil ku dishay dad reer Turki ah taasoo sababtay in ay Israaiil ku weysay saaxiibkii ugu wacnaa muslimiinta adduunka |Turkiga ayaa si cad u dhaleeceeyey xiriirkiina u jaray Israaiil.
Nederland oo cabsi ka qabto in dhibaato kaga timaado lana xanibo danaheeda iyadoo og dhibaatada jirta hadana iskaga aamustay, sababtoo ah raisalwasaaraha wadanka Nederland waa Yuhuud, Mudane Uri Rosenthal, xitaa safiirka Maraykanka u fadhiya Nederland haweeneyda la yiraa Fay Hartog Levin. Akhriso taariikhdeeda Dad badan oo cadaan ah ayaa ka cabsi qaba haddii ay ka hadlaan dhibaatooyinka ay Israaiil ku hayso adduunka oo dhan iyo dhulka reer Falastiin oo ay xooga ku qabsatay in lagu eedeeyo Antisemitism ka gaabsado, Waxaa kaloo lagama maarmaan ah in la oggaado dowlada ku dhisan xulufada 3 xisbi ee VVD, CDA iyo PVV oo siisay taageero oo haddii la yeeli waayo danaha Israaiil ay dowlada Nederland dhacayso illeen waxaa kalsoonidiisa kala noqonaya Geert WIlders halkaasna ay ku dhacayso dowlada. Dad badan oo aan ogayn xaalada dhabta ah ayaa u maleeyo in Israaiil ay ku hayso kaliya Falastiin xitaa Nederland waxa ka wado dhibaatada waa isla iyaga,
Kacdoonka dunida Carabta ayaa lagu fasiray mid loogu gogol xaarayo sidii ay Yuhuuda u qabsan lahaayeen laga soo bilaabo wabiyada Dajla iyo al furaat Ciraaq Madiino ilaa Masar, si loo gaaro hadafkaan ayaa waxaa adduunka maanta ka taagan dhibaatooyin ay abuureen dad lug ku leh arrintaan,
| < Prev | Next > |
|---|