JSN Arbaco 25-Janaayo-2012: Sannadkii la soo dhaafay ee 2011 waxaa laga xaday baabuur dhan 11.658 Nederland gudaheeda taasoo ay saaka shaacisay ururka ka hortaga dambiyada baabuurta de Stichting Aanpak Voertuigcriminaliteit (AVc). 2010 waxaa iyana la xaday baabuur dhan 11.733 baabuur ah.

 

Sawirka Autoweek

Gawaarida loogu jecelyahay in la xado ayaa uu ururkaan ku sheegay in ay yihiin kuwa da yar oo saddex sanno jir ah noocyadooda BMW, Marcedez iyo nooca Volkswagen oo dhamaantood uu Jarmalka sameeyo. ururkaan  AVc ayaa walaac ka muujisay in la helay sannadkii la soo dhaafay nus baabuurtii la xaday oo kaliya.

Xadniinka mootooyinka ayaa sannadkii la soo dhaafay ee 2011 la xaday  16.869 halka sannadkii ka horeeyey ee 2010 la xaday mootooyin dhan 14,0984 mooto.

Joornaalka Soomaalida Nederland JSN