Safiirka Soomaalida u fadhiya Liibiya oo uga digay Soomaalida khatarta tahriibka badda
|
JSN Jimco 27-Janaayo-2012: Safiirka Soomaalida u fadhiya wadanka Liibiya Danjire: Cabdulqani Maxamed wacays ayaa mar uu ka qaybgalay munaasabad aas dad Soomaaliyeed oo ay badda kusoo caarisay magaalada Misrata ee Liibiya xeebteeda ku tilmaamay ayaan daro naxdin iyo murugo leh in dadka Soomaaliyeed ee tahriibayaasha ah ku dhamaadaan badda u dhaxaysa Liibiya iyo Talyaaniga.

Tahriibayaal Soomaali ah oo daal la dhacay lama degaanka
Danjire: Cabdulqani Maxamed wacays. wuxuu uga digay kuwa hadda ku sugan Liibiya iyo kuwa wadada ugu soo jira in ay tahriibaan tahluukada ay leedahay iyadoo lagu jiro waqtigii winterka oo ay baddu aad u qaboowdahay oo xitaa cidii dabaal taqaan aysan ka badbaadayn qabowga biyaha badda.
Maydadka lagu aasay qubuuraha Misrata Liibiya ayaa ka koobnaa sida ay kusoo warameen dadkii goobjooga ahaa 12 dumar ah 2 rag ah iyo ilmo yar oo dhowr bilood jiray. Allaha u Naxariisto dhamaantood eheladoodiina samir iyo iimaan Allaha ka siiyo aamiin.
| < Prev | Next > |
|---|