Xisbiga xargjirka ah ee PVV oo lagu haysto cida dhaqaale ahaan taageerto
|
JSN Jimco 27-Janaayo-2012: Xisbiga xagjirka ah ee ku naaxay Nacaybka Muslimka iyo Muslimiinta ee marka la soo gaabiyo magaciisa loo soo gaabiyo PVV ayaa lagu haystaa halka ay ka soo gasho lacagaha xisbiga, ka dib markii Nederland sha\rci cusub oo lagu talo jiro in uu dhaqangalo dhawaan marka la ansixiyo uu dhigayo in xisbi walba oo siyaasi ah wixii ka badan 4.500 Yuuro ay soo bandhigaan cida siisay macluumaadkooda.
Geert Wilders © ANP
Nederland waxaa sharci ah in haddii la abuurayo xisbi siyaasadeed uu leeyahay xubno dhan 1000 xubnood, halka Wilders uu haysto labo xubnood oo kaliya, si ay dowlada u taageerto waa in uu buuxiyaa shuruuda looga baahanyahay. Xisbiga PVV wax taageero dhaqaale kama helo dowlada Nederland.
Xisbiga kaligii taliye Geert Wilders ayaan sheegin halka ay ka soo gasho lacagaha xisbigiisa PVV, Xisbigaan ayaa ilaa maalintii la abuuray ilaa mnaanta lagu tilmaamaa in uu ka helo lacagaha maalqabeenka Yuhuuda Maraykanka kuwaasoo ugu wacan siyaasadiisa guracan ee iska horkeenka shicibka Nederland.
| < Prev | Next > |
|---|