Sannadguuradii 67 aad ee kaamka ciribtirka Auschwitz Poland
|
Sabti 28-Janaayo-2012: Shalay oo ay bishu ahayd 27-01-2012 ayaa waxay ku aadanayd sannadguuradii 67 aad ee ka soo wareegatay markii ciidamada Ruushka xorreyeen kaam la yiraa Auschwitz oo ku yaal wadanka Poland, halkaasoo ay ciidamadii ku arkeen arxandarada lagula kacay dadkii Yuhuuda ahaa oo qaarna macluul iyo gaajo u dhinteen ama u il darnaaayeen kuwana la khaarijiyey.
Tacadigaan waxaa geystay ciidamadii Naasiga ee Jarmalka oo uu madax u ahaa Adolf Hitler hogaamiyihii ugu danbeeyey Third Rijk ee Jarmalka oo uu aad ugu hamiweynaa in Jarmalka uu adduunka ku amar ku taagleeyo. Dadka la xasuuqay ayaa lagu sheegay in ay dhamaayeen hal malyuun iyo shan boqol oo kun. Inkastoo xasuuqa dadka laga tirada badan yahay ee sigooynaha, Jibsiga iyo kuwa kaleba la xasuuqay.
Waxaa la isku haystaa xasuuqan loo geystay dadkii Yuhuuda ahaa ee aan dhulka lahayn oo adduunka oo dhan kuwada firirsanaa in la xasuuqay taasi shaki kuma jiro, laakiin tirada dhabta ah iyo ka wada hadalka mowduucan ayaa laga dhigay mid aad loo buunbuuniyey oo xitaa hadda la wado cidii isku dayda in ay ka sameyso baaritaan sidii ay wax u dhaceen ama cidii inkirto in saxaafada ay weerarto.
Waxaa hubaal ah in Yurub ayan u kala harin oo ay meel uga soo wada jeesteen xasuuqa iyo ciribtirka dadka Yuhuuda ah oo ay eedo badan u soo jeediyeen Yurubna ay ka midaysnayd. Laga soo bilaabo Isbayn ilaa Finland isku ayaa meel looga soo wada jeestay laakiin Illaah ma dhihin oo maanta Yuhuuda waxay noqotay dadka u taliya Yurub iyo Maraykanka oo ah meelaha caalamka looga arrimiyo maanta.
| < Prev | Next > |
|---|
