Boqol kun Nederlandees ah oo saxiixay in Caruurta la tarxiilin
|
Sabti 28-Janaayo-2012: Boqol kun oo qof ayaa saxiixay arji wadajir ah ee loo yaqaan Petition taasoo ay uga soo horjeedaan in la tarxiilo carruurta aan waalidkood la socon ee Nederland magangalyo weydiista.
Arrintaan ayaa waxaa hormuud u ah xildhibaanka xisbiga Groenlinks oo la yiraa magaciisa Tofik Dibi oo asalkiisii hore ah nin Marokaan ah. Sida aad ku aragto filimka hoose.
Fikradaan waxay soo shaacbaxday markii sannadkii la soo dhaafay wiil reer Angoola ah oo mudo 10 sanno ah ku noolaa loo diiday in uu sii joogo wadanka Nederland isagoo dhaqanka iyo caadada luqadii qaatay oo aan cid u joogto aysan jirin wadankii hore oo uu horay uga soo tagay mudo 10 sanno ka hor ah.
Tofik Dibi wuxuu bilaabay in isagoo ka soo horjeedo tarxiilka carruurta uu waalidkood la socon laga tarxiilo Nederland iyagoo wadamadii ay k yimaadeen waalid uga horeeyo aysan jirin oo ay dhici karto in la dilay ama iskaga qaxeen.
Arrintaan ayaa ah mid yididiilo galinaysa carruurta masaakiinta ah ee mudadada badan ku sugnaa Nederland oo markii ay helaan waxbarasho 10 sanno ka dib la yiraa waxaa la idiin tarxiilaa halkii aad ka timaadeen.
| < Prev | Next > |
|---|
