Saaytka Linkedin oo luqada Nederlandeeska lagu daray in loo isticmaalo
|
Axad 29-01-2012: Saaytka ganacsiga looga talagalay ee linkedin ayaa wuxuu kusoo daray adeegiisa ganacsiga luqada Nederlandeeska oo ay hadda iska diiwaangeliyeen isticmaalaan saddex malyuun oo Nederlandees ah. taasoo u fududayn doonto in ay luqadooda hooyo ku isticmaalaan.
Linkedin waa social media sida Facebook, Twitter iyo Hyves, Linkedin wuxuu isticmaalaa 13 luqadood oo ay ku jiraan luqadaha Ruushka, Iswiidishka iyo Jabaneeska.
Nederlandeeska ayaa ugu badan dadka Linkedin isticmaala marka loo fiiriyo dadka ku nool Yurub sida uu sheegay Lot Keijze oo diritoor ka ah qaybta suuqgaynta ee Linkedin ee Yurub.
| < Prev | Next > |
|---|
