Qaboow iyo Baraf laga digay Nederland in uu yimaado
|
Axad 29-Janaayo-2012: Hay ada u qaabilsan saadaasha hawada iyo jawiga ee Nederland ayaa sheegtay in qaboow iyo baraf la filayo in uu yimaado ayaamaha soo socda iyadoo qabowga uu bilaaban doono habeenkii xalay ahaa Sabtida ee la soo dhaafay. Qaboowga ayaa la sheegay in uu habeenkii gaari doono inta u dhaxaysa -10 ilaa -16 degree Selsiyas taasoo ka dhigayso qaboow aan caadi ahayn waa haddii ay sadaasha ay sax noqoto sida ay sheegtay hay ada saadaasha hawada Nederland

Isniinta oo beri ah ayaa la sheegay in la filayo in uu baraf yimaado wixii intaas ka danbeeyo waxaa la sheegay in qabowga sii kordhi doono. Bilihii la soo dhaafay ee december 2011 iyo janaayo 2012 ayuu ahaa jawiga mid aan qabow badan lahayn iyadoo bishan janaayo ay gabogabo tahay hadana la sheegay in qaboow daran la filayo. Waxaa loo digay dadka degan bariga iyo waqooyiga wadanka oo qabowga jira uu u wehlin doono baraf jidka ah kaasoo sababi karo shilal.
| < Prev | Next > |
|---|
