Qaboowga oo batay aawadeed darbi jiifka Nederland oo la siiyey meel ay ka galaan qabowga
|
Axad 29-Janaayo-2012: Darbi jiifka Nederland oo badankood banaanka jiifan jiray ayaa qabowga oo batay aawadeed waxay dowladaha hoose ee Nederland ay u qondeeyeen dadka meel ay jiiftaan haysan ee darbi jiifka ah la siiyo meel ay jiiftaan oo ay qabowga ka galaan
Achieffoto © ANP
Qaboowga ayaa la sheegay in uu habeenkii gaari doono inta u dhaxaysa -10 ilaa -16 degree Selsiyas taasoo ka dhigayso qaboow aan caadi ahayn waa haddii ay sadaasha ay sax noqoto sida ay sheegtay hay ada saadaasha hawada Nederland. Qaboowgaan ayaa qofka banaanka jiifto u badantahay in uu ka badbaadin oo uu qaboow u dhinto.

Isniinta oo beri ah ayaa la sheegay in la filayo in uu baraf yimaado wixii intaas ka danbeeyo waxaa la sheegay in qabowga sii kordhi doono. Bilihii la soo dhaafay ee december 2011 iyo janaayo 2012 ayuu ahaa jawiga mid aan qabow badan lahayn iyadoo bishan janaayo ay gabogabo tahay hadana la sheegay in qaboow daran la filayo. Waxaa loo digay dadka degan bariga iyo waqooyiga wadanka oo qabowga jira uu u wehlin doono baraf jidka ah kaasoo sababi karo shilal.
| < Prev | Next > |
|---|
