JSN Talaado 31-Janaayo-2012: Boqorada Nederland Beatrix ayaa maanta ay ku aadantahay dhalashadeedii 74 aad taasoo ka dhigayso boqoradii ugu cimriga dheerayd ee soo marta inta la ogyahay taariikhda Nederland iyo guriga boqortooyada. Boqortooyada Nederland ayaa loogu yeeraa magaca Oranye oo u dhigma Oranje.

Boqorada Nederland  H.M. Beatrix


Redactie van Somali Journal in Nederland wenst Haar majesteit Konigin Beatrix fijne verjaardag toe.


Willem Alexander iyo  hooyadiis boqorada Nederland Beatrix.


 

Isla bishaan dabayaaqada ah ee Janaayo ayay ku tagtay booqasho rasmi ah wadamada Imaaraadka Carabta iyo Cumaan taasoo ay ku xoojinaysay ganacsiga Nederland ay la leeyihiin wadamada khaliijka Carabta.

Willem Alexander waa wiilka iska leh dhaxalka boqortooyada Nederland hadana u sharaxan in uu kala wareego boqorada Nederland hooyadiis Beatrix, wuxuu guursaday haweeney reer Arjantiina ah oo la yiraa  Maxima

Boqorada Nederland dhalashadeeda rasmiga ah waa 30janaayo laakiin waxaa loo dabaaldegaa sannadkasta 30 ka april oo maalin fasax ah oo dadka ay isu soo baxaan oo ay banaanka ku soo bandhigaa waxyaabo raqiisa  oo ay iska iibiyaan dadka. april waxay ku aadan tahay waqtiga kulaylaha