Ingiriiska oo markab quusa u diray jasiirada Falkland
|
JSN Sabti 04-02-2012: Dowlada Ingiriiska ayaa u dirtay markab ka mid ah maraakiibteeda kuwa quusa ah oo qaada hubka Nukliyeerka jasiiarada Falkland oo ku taal koonfur Ameerika qaasatan wadanka Arjentiina oo ayaamahan arrintooda cirka isku shareertay oo yididiilo dagaal loo malaynayo in ay ka timaado.
Markab kuwa quusa ah
banaanbax looga soo horjeedo Ingiriiska
Ingiriiska iyo Arjentiina waxay ku dagaalameen jasiirada Falkland sannadkii 1982 halkaasoo Ingiriiska wacadaro lagu tusay inkastoo ugu danbayntii uu Maraykanka u hiiliyey kuna guulaystay dagaalka. Marka la fiiriyo dhul ahaan waxaa jasiirada xaq u leh Arjentiina oo ka dhaxashay gumaysigii Isbaanishka. Masaafada u dhaxaysa Ingiriiska iyo jasiirada Falkland ayaa ah mid aad uga fog Ingiriiska, dadka ku noolna ayaa aad u yaryihiin laakiin qaniimad kheyraadka badda ayaa ah mid aad u badan oo uu Ingiriiska ka faaiideysto.
| < Prev | Next > |
|---|
