JSN Sabti 04-02-2012: Oday waayeel ah oo 102 sanno jir ah ayaa iskool ay dhigtaan carruurta cimrigooda 10-ka sanno ka yaryahay ay u direen warqad ay ku martiqaadayaan si uu iskoolka uga qaybqaato iyagoo u malaynayey in uu yahay ilmo qasab ay ku tahay in uu iskoolka dhigto balse arrintii ay sidaa iska badashay markii uu soo xaadiray oday gaboobay oo 102 sanno jiro.

Dhacdadaan waxaa shaaciyey oo ku qoray joornaalka la yiraa Gazet van Antwerpen iyo Het Belang van Limburg waxaa dib laga ogaaday in khalad xagga maamulka ah uu ku yimid.