Qabowgii ugu badnaa 27 kii sanno ee la soo dhaafay Nederland & Yurub
|
JSN Axad 05-02-2012 Qabow aad u fara badan ayaa ka dhacay bishan aan ku jirno ee fabar wari qaboogan oo la sheegay in eey ugu danbeesay 27 sano ka hor qabow intaan la eg oo ka dhaco maxaa yeelay waxaa xirmay wadooyinka qaar kood iyo gegooyinka diyaaradaha soo cagadhigtaan..
Inta badan qabowga waxa uu aad ugu daran yahay dadka wayeelka ah iyo dadka ka yimid wadamada kuleelaha ah oo aan le heen qaboga in kasta oo eey jiraan dad kale oo aad u jecal xilliga qabowaha haddii uuna imaan baraf iyo qaboowna dhaha sannadkan ma fiicna,maxaa yeelay ma jira wax baraf ah.
Carruurta iyo barafka
Carruurta ayaa markuu barafka da o aad u jecel oo ku ciyaara iyo kuwa qaangaarka ah oo iyagana ku ciyaara baraf ku cararka. Barafka wuxuu leeyahay khatar ah in uu qofku ku kufo oo uu ama ku jabo ama ku murgacdo. waxaa kaloo uu barafku khatar galin karaa gaadiidka cirka dhulka iyo baddaba. Shilalkana ay u badan yihiin waqtiyada ama xilliyada barafka.
Dhibaatooyin badan ayuu geystay qabowga iyo barafka Yurub iyadoo uu sababay dhimasho gaarayso ilaa hadda inta la ogyahayt 250 qof oo qaboow dartiis ku dhintay.
| < Prev | Next > |
|---|
