Sharci sahlayo Tarxiilka ajnabiga danbiga galo iyo dhaqangalkiisa
|
JSN Isniin 06-febaraayo-2012: Wasiirka wasaarada socdaalka isdhexgalka iyo magangalyo doonka Nederland mudane Gerd Leers[CDA] oo ka ambaqaadaya heshiiska u dhaxeeya dowlada xulafada ah ee xisbiyada liberaalka VVD , CDA iyo xisbiga xagjirka ah ee PVV, heshiiskaan oo dhigaya in la yareeyo soogalootiga ka yimaada wadamada aan Yurubta ahayn, qaasatan Muslimiinta laga soo barakiciyey dhulkoodii hooyo, ayaa ku dhawaaqay sharci aan wali hirgelin oo u sahlaya cidii ajnabi ah oo danbi uu galay hal habeen la xiray lagala wareegayo sharcigiisa uu wadanka Nederland ku joogo.
Gerd Leers: Wasiirka socdaalka isdhexgalka iyo magangalyo doonka Nederland
Sharcigaan ayaa sahlayo hadduu dhaqagalo in dadka ajnabiga ah in sharcigooda lagala wareego ka dibna la tarxiili karo haddii ay galaan danbi sababo in ay hal habeen xabsiga ku qaataan warkaan ayaa lagu shaaciyey joornaalka Volkskrant oo ka mid ah joornaalada ka soo baxa Nederland cadadkiisii 03-02-2012.
Waxaa jira hadda sharci dhigayo qofkii todobo sanno deganaa Nederland ee gala danbi uu qofka ku mutaysto saddex sanno oo xarig ah lagala wareego sharciga uu wadanka ku deganyahay Nederland. Sharcigaan iyo sharci badan oo ay dowladaan ku talo jirta ayaa badanaa ku dhisan cunsurinimo iyo midabtakoor sababtoo ah shuruucdaan waxaa loo jaangooyay oo kaliya dadka soo galootiga ah oo dhulkoodii laga soo barakiciyey oo badanaa qaxooti ah. Xisbiga xagjirka ah ee uu madaxda u yahay kaligii taliye cunsuri Geert Wilders oo ka shaqeeyo kuna naaxay siyaasadiisa guracan ku dhisan midab takoorka iyo iska horkeenka bulshada Nederland isagoo badanaa u kala sooco kuwa cadaan ah iyo kuwa aan ahayn reer Yurubka.
Wasiirkan ayaad moodaa in la siiyey liis dadka laga tarxiilayo Nederland ee uu heshiiska kula galay xisbiga Geert Wilders oo badanaa ku dhawaaqo in la yareeyo muslimiinta ku nool Nederland si bareer ah. Khubarada ku xeeldheer sharciyada soo galootiga ayaa sheegay in ay tahay mid aan sax ahayn in qofkii reer u daganyahay ee laga tarxiilo reerkiisa ay ka hor imaanayso xuquuqda uu qofka u leeyahay in uu la joogo reerkiisa sharcigaan uu ka hor imaanayo xuquuqda qofka bani aadamka ah ee midowga Yurub.
| < Prev | Next > |
|---|
