Shirkada NedCar oo 2013 albaabada loo laabayo
|
JSN Isniin 06-febaraayo-2012: Shirkada ugu weeyn Nederland ee samayso baabuurta nooceeda Mitsubishi Colt ayaa la sheegay in albaabada loo laabi doono sannadka 2013. Shirkadaan oo ku taal magaalo la yiraa Born oo ka tirsan gobolka Limburg. Shirkada NedCar waxaa ka howlgala shaqaale dhan 1500 shaqaale ah. Shirkadaan waxaa iska leh shirkada la yiraa Mitsubishi oo Jabaan ah
NedCar Nederland

Shirkada Mitsubishi ayaa go aansatay in dhamaan gawaarida shirkada Mitsubishi lagu sameeyo Jabaan iyo wadanka Taayland[Thailand] oo qiimo ahaan uga jaban shirkada Mitsubishi
| < Prev | Next > |
|---|
